4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 10, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Saraakiil sarsare oo ka socday Bankiga Adduunka

Khamiis, Jannaayo 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya wafdi ka socday Bankiga Adduunka, isagoo u sheegay inay diyaar u yihiin inay qayb ka noqdaan Bankiga Adduunka kaddib labaatan sano oo colaado ah.

Wafdiga Bankiga Addunka oo uu hoggaaminayay Ms. Bella Bird ayaa waxay la kulmeen madaxweyne Xasan Sheekh, wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleymaan iyo saraakiil sarsre oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa soo dhaweeyay saraakiisha Bankiga Adduunka isagoo u sheegay in Soomaaliya ay kaga maqnayd ka mid ahaanshaha Bankiga Adduunka colaado ka jiray 22 sano, balse ay hadda diyaar u yihiin inay ka mid noqdaan Bankiga Adduunka iyo ha’yadaha kale ee dhaqaalaha caalamka.

“Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay ka mid noqoto Bankiga Adduunka, waxaan rumeysannahay in Bankiga Adduunka uu kaalin muhiim ah ka ciyaari karo dib u dhiska Soomaaliya iyo sidoo kale dib u dhiska hay’adaha dhaqaalaha dalka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale u sharraxay wafdiga in Soomaaliya ay ka soo baxday 12-sano oo KMG-nimo ah, isagoo xusay in hadda ay diyaar u tahay inay la shaqeyso bankiga Adduunka, maadaama dowladda jirta ay tahay mid joogto ah. Isagoo yiri: “Waxaan idiin caddeynayaa inaan doonayno inaan horay u sii soconno, hay’adaheenna ammaankuna si wanaagsan ayay u shaqeeyaan, balse waxaan u baahannahay taageeradiina.”

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu muujiyay sida ay kalsooni buuxda ugu qabaan inay mustaqbalka dhow Soomaaliya wax la wadaagto caalamka intiisa kale, isagoo wafdiga u sheegay in dowladdu ay isbedel ku tallaabsatay muddada yar ee ay jirtay.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhow waddan la saxiixatay heshiisyo iskaashi oo laba-geesood ah, isagoo xusay in dalalkaas uu ka mid yahay Jabaan oo si toos ah u caawinaya dalka Soomaaliya.

Gabagabadii hadalkiisa ayuu ku sheegay in dowladiisu ay aad ugu faraxsan tahay inay qayb ka noqoto ha’yado caalami ah sida Bankiga Adduunka oo ka maqnaashaheeda ay sababeen dagaallo socday 22-kii sano ee lasoo dhaafay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya