4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 23, 2013
Idaacadda STAR FM oo Idaacadeed cusub ka hirgelisay Degmada Guriceel ee Gobolka Galguduud

Sabti, Feberaayo 23, 2013 (HOL) — Idaacadda STAR FM ee codka gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa xarun idaacadeed oo cusub ka furtay magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud, taasoo loogu talogalay inay wararka ka dhageystaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada dhexe.

Furitaanka xarunta Idaacadeed oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka socday STAR FM ayaa waxaa la sheegay inay tahay mid loogu talogalay inay dadka ku nool gobolka Galguduud ka dhegeystaan wararka maalinla ah ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ka dhaca.

Mowjadda 89.50 FM ayaa mas’uuliyiintu ka sheegeen furitaankii idaacadda in laga dhageysan karo, iyadoo dadweynaha ku nool degmada Guriceel iyo deegaannada kale ee ku dhow-dhow ay soo dhaweeyeen furitaanka xarunta cusub ee STAR FM.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta STAR FM ayaa waxay sheegeen inay ka hirgelin doonaan xarumo kale oo idaacadeed deegaanno ay ka mid tahay degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo STAR FM ay ka furato xarun idaacadeed gudaha dalka, waxaase ay horay uga hirgelisay deegaanno badan oo Koonfurta Soomaaliya ku yaalla, kuwaasoo ay ku jirto magaalad Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Idaacadda ayaa waxay xarumo badan ku leedahay gudaha dalka Kenya, waxaana xarumaheeda waaweyn ay ku kala yaallaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya iyo magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya