4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 23, 2013
Xukuumadda Somaliland oo ka Hadashay Hawlgallo Balaaran oo Todobbaadkii u dambeeyey ka socday Somaliland

Sabti, Feberaayo 23, 2013 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha guud ee Booliska, ayaa, sheegay in hawl-galaddii ay toddobaadkan wadeen kug uuleysteen, isla markaana ku soo qabqabteen dad lagu tuhmayo inay yihiin dambiileyaal.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa sheegay inay burburiyeen shabakad weyn oo isku xidhnayd, isagoo shacabka ka raali galiyeen wixii dhibaato ka soo gaadhay mudaddii uu hawlgalku socday ee lagu baadhayey dad uu ku sheegay dambiileyaal.

“Ciidamada amniga iyo sirdoonka oo wada jira ayaa ka hawlgalayey sugida amniga, waxa noo dheeraa dhawaaq kasta iyo digniin kasta oo yimaada waxay leedahay taxadarkeedda, hawshiina waanu libin laabno, waxaan rajaynayaa in natiijadda ka soo baxaysa noqoto natiijo qancisa dadka aanu wada shaqaynta leenahay, natiija wax ka bedesha dhowaaqii oo soo celisa kalsoonidii Somaliland lagu qabay”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha gudaha Duur.

“Waxay reer galbeedku Heleen wuxu ahaa hal qodob oo ah cabsi ku waajahan reer galbeedka oo ah afduubasho, xogtii ayaanu is waydaarsanay waxayna noqotay goobihii ay xididda ku lahayd iyo raadkeedii oo dhan ay ciidamada amnigu ku guuleysteen oo ay tirtireen oo aanay hadda jirin shabakad sii shaqaynaysa oo hada u diyaar ah inay hawlgaladdaasi fuliso”ayuu hadalkiisii raaciyey.

Mar la waydiiyey tiradda dadka ah ee ay qabqabteen waxa uu yidhi “ dad badan baa la qabtay, laakiin dadku may wada ahayn dad dambiileyaal ah, waanu ka cudurdaaranayna in dad aan waxba galabsan oo aan waxba geysan la qabtay, sidoo kale dad wax geystay oo raadkoodda la goobayeyna waa la qabtay, tiradda guud iyo gudbinteed waxba tari mayso laakiin waxaanu doonaynaa in tiradda rasmi ah ee dadka wax geysta marka baadhitaanku gabogabaysmo soo bandhigni”ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka booliska Sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo sheegay inay dad badan qabteen balse marka uu baadhitaanku dhamaato soo bandhigi doonaan, isagoo sheegay in marka hawlgal noocan oo kale ah socdo aanay u baahnayn waaran ee bilaa waaran lagu gali karo meesha la rabo..

Si kastaba ha ahaatee, waxa toddobaadkan socday hawlgal adag oo lagu baadheyey gaadiidka iyo guryaha qaar, kuwaas oo habeen badhka ay ciidamadda gaarka u tobabaran ee loo yaqaan RRU ay guryo badan kala baxeen dad, kuwaas oo la baadhayo, haseyeehsee dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaa si weyn u dhaliilay qaabka ciidanku habeen badhka guryaha u baadhayaan, iyagoo ku eedeeyey inay marka guryaha soo galaan six un u jajabinayaan, isla markaana aanay u aabo yeelaan agabka guriga yaalla.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online .
[email protected]
Hargeysa, Somaliland