4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 23, 2013
Guddiga Olambikada Soomaaliya oo Xafiiska Hirgeliyay Degmada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo, 23, 2013 (HOL) – Kadib dhaq dhaqaaq Isboorti oo si xowli ah uga socday bilihii ugu danbeeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa hadda waxaa muuqata in guddiga Olanbikada Soomaaliya uu u soo jeestay sidii uu loo taageeri lahaa howlaha Isboorti ee sida wanaagsan uga soconaya gobollka.

Hadaba guddiga Olanbikada Soomaaliya ayaa mudo 22 sano ah kadib waxaa uu markii ugu horeysay xafiis qaban doona howlaha Olanbikada iyo guud ahaan Isbooriga gobollka waxaa uu ka hergaliyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

C/rashiid Aadan Rooblle oo ah xubin sare oo ka tirsan Soonka sadaxaad ee Olanbikada Soomaaliya oo loo soo wakiishay furintaanka xafiiska ayaa sheegay in xafiiskan uu wax weyn ka dari doono habsami u socodka howlaha Olanbikada, isaga oo intaa ku darray in shaqo lagu faani karo bilihii ugu danbeeyay laga qabtay guud ahaan marka la eego Isboortiga gobollka Hiiraan.

‘’Waxaan halkana {Balaadweyne} si rasmi ah guddiga Olanbikada Soomaaliya ay uga hergaliyeen xafiis ka shaqeyn doona howlaha la xiriira Olanbikada gobollka iyaga oo sidoo kalana ku deeqay qalab xafiiseed,’’ ayuu yiri C/rashiid Aadan Rooblle.

Guddoomiyaha guddiga Olanbikada gobollka Hiiraan C/kariin Xassan C/dulle Qalaad [Yani-yaani] oo ka hadllay furintaanka xafiiska ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan xiriirka wanaagsan ee u biloowday guddiga Olanbikada gobollka iyo kan Soomaaliya, isaga oo sheegay in xarunta ama xafiiska uu wax weyn ka dari doono dar-dargalinta howlaha Isbooritaga gobollka Hiiraan.

‘’Waa mid nagu dhiiri-galinaya in aynu sii xoojino dadaalka aan ugu jirno hormarinta Isboortiga, iyo sidii aan xiriir wanaagsan ula yeelan laheyd guddiga sare ee Olanbikada Soomaaliya,’’ ayuu yiri C/kariiin Yaani-yaani.

Todobaadyadii aynu soo dhaafnayba marka la eego magaalada Baladweyne waxaa si habsi leh uga soconayay tartamo kala duwan oo ay yeelanayeen kooxaha ama naadiyada gobollka Hiiraan, kuwaa oo marka la eego qeyb ka ah dadaalada dib loogu soo nooleynayo guud ahaan Isboortiga gobollka.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya