3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 22, 2013
Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga Magaalada Nairobi kana hadlay habka Federaalka


Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa safar shaqo oo qaadanaya muddo saddex maalmood ah ku tagay dalka Kenya, kaddib hal toddobaad oo uu booqasho ku joogay dalka Itoobiya, iyadoo lagu wado inuu la kulmo madaxda dalkaas.

Prof. Jawaari ayaa uga hadlay wareysi uu siiyay BBC-da habka federaalka dalka iyo mushaaraadka xildhibaannada, isagoo sheegay inay ka go’an tahay dowladda inay federaalka gaarsiiso dalka oo dhan.

“Laba gobol iyo wixii ka badan waxay noqonayaan unug ka mid ah habka federaalka dalka, waxaana socda howshii lagu gaarsiin lahaa dalka oo dhan habka federaaliisimka ama maamul wadaagga ah,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay mushaaraadka xildhibaannada iyo shaqaalaha kale ee dowladda isagoo xusay in daqliga dowladda soo gala uu aad u yar yahay taasna ay sababayso inay dib u dhacyo ku yimaadaan mushaaraadka shaqaalaha iyo xildhibaannada, balse waa la siin doonaa.

Mar uu ka hadlay wixii baarlamaanka u qabsoomay, isagoo sheegay in intii uu jiray baarlamaanka uu mashquulsanaa sidii uu u dhisi lahaa guddiyadiisa iyo hay’adda fulinta ee dowladda, balse hadda wixii ka dambeeya ay ka shaqeyn doonaan horumarinta kale ee sharciyada dalka.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu xusay in muuhimadda koowaad ay siin doonaan sugidda ammaanka, ayna rajo weyn ka qabaan inay dalka gaarsiiyaan heer ay shacabku soo doortaan xidhibaannada iyo madaxdii hoggaamin lahayd.

Prof. Jawaari ayaa toddobaadkan ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo kulammo la yeeshay madaxda dalkaas iyo sidoo kale Soomaalida ku nool Itoobiya, gaar ahaan Jigjiga iyo Addis Ababa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/22/2013 2:00 PM EST
Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Doorashadii baarlamaaniga ee dalka Jabuuti ayaa lasoo gabgabeeyay fiidnimadii caawa, kaddib markii hal saac oo dheeri lagu kordhiyay codbixinta oo lagu waday inay soo xiranto 6:00 maqribnimo ee maanta.

2/22/2013 12:42 PM EST
Jimco, February 22, 2013(HOL): Ibraahim Nuur Qalinle oo ka mid ah Soomaalida ku nool waddanka Sweden, gaar ahaan Magaalada Goteborg ayaa isagoo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaa uu la hadlay TV-ga Sweden ee SVT, wuxuuna sheegay in Soomaali badan oo caalamka daafihiisa ku nool ay ku fekerayaan in ay ku laabtaan dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

2/22/2013 12:20 PM EST
Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Mudaharadayaal careysan ayaa cagta mariyay habeenkii xalay ahaa guriga uu degmada Boorame ka deggenaa guddoomiye ku xigeenkii gobolka Awdal, Cabdinuur Sugaal iyo guri uu deggenaa aabbihii oo labaduba ku yaalla hal xaafad.

2/22/2013 12:11 PM EST
Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) —Ciidammo boolis ah ayaa habeen hore fiidkii gudaha u galay xarunta telefsihinka RAYO-TV iyagoo albaabbada u laabay xaruntii telefishan uu ku lahaa magaalada Boorame, iyadoo shacab ka careysan xarigaas ay xalay mudaaharaad ka dhigeen magaaladaas.

2/22/2013 11:57 AM EST
Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiin u kala hadlay dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in Soomaali badan oo doonaya inay galaan dalalka Yurub ay baasaboorro faalso ah ama la been abuuuray ay ku raacaan diyaaradda Turkish Airlines oo ah diyaaradda keliya ee duulimaadyo caalami ah ku tagta Muqdisho.

2/22/2013 11:20 AM EST
Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Barker Buzdag oo uu ka mid yahay wasiirka horumarinta dalkaas, Cevdet Yilmaz ayaa berri safar ku imaanaya magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

2/22/2013 2:28 AM EST
Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya uu yahay mid aad uga wanaagsan sidii uu ahaan jiray, waxayna xukuumaddu Sheegtay in magaaladu uu ka soconayo horumar iyo ganacsi baaxad leh.

2/22/2013 1:46 AM EST
Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ayaa ku guuleystay inay fasaxdo dad doonayay inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo ee Soomaaliya, kuwaasoo xayirnaa muddo ka badan seddex bilood kaddib markii waaxda socdaalka ee dalka Koonfur Afrika joojisay safarkooda.

2/22/2013 1:11 AM EST
Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa uga digtay xukuunadda Netherlands ama Holland in qoxootiga Soomaalida ah ee dalkeeda ku nool oo ay magangalyada u diidday inay dib ugu celiso Soomaaliya.

2/22/2013 1:07 AM EST
Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Ciidamo gaar ah oo loo yaqaan RRU iyo kuwa nabadsugidda Somaliland ayaa ka billaabay xilliyada magaalada Hargeysa xiliyada habeenkii ah howgallo lagu sugayo ammaanka, kuwaasoo ay ku qab-qabteen dad badan oo shacab ah.

2/22/2013 1:01 AM EST
Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Dalka Jabuuti ayaa waxaa saakay ka billowday doorashada baarlamaaniga ah ee dalkaas, iyadoo shacabku ay soo dooranayaan 65-ka xidhibaan ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Jabuuti.