4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 20, 2013
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Somalia oo ka warbixisay shir Golaha Amaanka uu ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya

Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo dib ugu soo laabatay maanta Muqdisho ayaa ka warbixisay shirkii uu golaha ammaanka ee Soomaaliya ka yeeshay arrimaha Soomaaliya.

Wasiirradda oo warbaahinta kula hadashay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegtay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka dalbatay in la qaado cunnoqabateynta hubka ee Soomaaliya si dib loogu dhiso ciidamada Soomaaliya.

“Intii aan ku sugnaa New York waxaan kulammo gooni-gooni ah la yeeshay xubnaha golaha ammaanka iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moo, waxaana kala hadlay sidii cunnoqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya, rajo weyn ayaana ka qabaa in la ogolaado,” ayay ku tiri wasiiraddu shir jaraa’id oo ay qabatay.

Sidoo kale, waxay sheegtay in golaha ammaanka ay wadahadaladooda sii socon doonaan illaa horraanta bisha Maarso ee sannadkan oo ay go’aan ka gaari doonaan arrinta cunnoqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo sidii loo kordhin lahaa muddada howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Wasiirradda oo la weydiiyay go’aankeeda ku aaddan in ciidamada Kenya loo sharciyeeyo inay ka howlgalaan xeebaha Soomaaliya ayay kaga jawaabtay: “Go’aankaas waxba u dhimayo xiriirka Kenya iyo Soomaaliya, waayo Kenya waa daris ah oo abaal aan uga hayno sida ay u ogolaadeen inay dhiiggooda u daadiyaan sidii Soomaaliya ay nabad u heli lahayd.”

Iyadoo hadlkeeda sii wadata ayay sheegtay in golaha ammaanka ay ka dal-badeen in la dhiso ciidamada badda Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan inay adkeeyaan ammaanka xeebaha Soomaaliya. Iyaodo dhinaca kalena sheegtay in dalabkooda uu ku jiray in la dhiso ciidamada guud ee dalka si ay ammaanka u adkeeyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya