3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2013
Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada oo soo Ban-dhigtay Qorshe wax lagu barayo Hal Milyan oo Arday (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Wasaarada waxbarashada iyo adeegga bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay qorshe waxbarasho ee sanadka 2013, kaasoo loogu talo-gashay inay ka faa’iideystaan ardayda Soomaliyeed ee aan heysan fursadaha waxbarasho kaddib markii ay saameyn ku yeesheen duruufaha adag ee dalka ka jiray 22-kii sano ee lasoo dhaafay.

Wasiirrada wasaarada horumarinta iyo adeegga bulshada, Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta qorshahaas kaga dhawaaqday munaasabad lagu qabtay hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho; taasoo ay goobjoog ka ahaayeen qaybaha bulshada sida: aqoonyanno, waxgarad, culumaa’uddiin haween, xildhibaanno iyo qaar ka mid ah bahda waxbarashada iyo jaamacadaha ka jira dalka.

Maryan Qaasim ayaa sheegtay in caruur gaaraysa afar milyan oo da’doodu ka hooseyso 18-sano aysan haysan waxbarshadii ay u baahnaayeen xiligan taasoo keentay bay tiri in duruufaha nololeed ee heysta qaarkood looga faa’iideystay inay ka qayb-qaataan dagaalladii iyo dhibaatooyinkii ka dhacay dalka.

“Wasaaraddu iyadoo ka duulaysa arrintaas, kana damqaneysa waxay isku duba-ridday qorshe waxbarasho oo ballaaran kaasoo aan jecelnahay inay ka faa’iideystaan arday gaaraysa hal milyan oo uu kala qaybsan heerarka kala duwan ee waxbarashada, waxaana hirgelinta qorshahaas gacan naga siinaya qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay oo dhawaan aan kula soo kulmay Nairobi.” ayay tiri wasiiradda.

Sidoo kale, wasiirraddu waxay sheegtay in qorshahaas uu ku jiro in guud ahaan dalka laga hirgeliyo dugsiyo gaaraya 900 oo isugu jira kuwo cusub iyo kuwii hore oo dayactir lagu sameynayo, iyadoo xustay inay tababarro siin doonaan macallimiin heerar kala duwan leh oo gaaraya 3,000 si ay bilow ugu noqdaan dhaqaajinta waxbarashada dalka oo ay sheegtay inay ka qayb-qaadan karto soo celinta nabadda, iyadoo tilmaantay in nus malyuun ka mid ah ardaydan ay ka imaan doonaan Koonfurta Soomaaliya, halka qayb kalena ay wadaagi doonaan gobollada Bariga iyo Waqooyiga Soomaaliya.

“Anigu waxaan ahay dhakhtarad dhinaca caafimaadka ah, waxaan wax ku soo bartay canshuurtii shacabka laga qaadi jiray, waxaan rabaa in caruurta Soomaaliyeed ay helaan taasoo kale, sidaas awgeed qorshahaan wuxuu billow u yahay qorshe aanu rabno inaan waxbarasho aasaasi ah ugu helno afarta milyan ee aan hadda waxbarashada heysan,” ayay intaa ku dartay wasiiradda oo qaybaha bulshada ka dalbatay inay gacan ku siiyaan fulinta qorshahaas.

Waxaa sidoo kale goobtaas ka hadlay mas’uuliyiin iyo qaar ka mid ah qaybaha bulshaha ee ka qayb-galay kulankaas, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed, Cabdikariin Salaad Gabeyre, ganacsato Luul Maxamed Sheekh Cisman, culumaa’uddiin ay ka mid ahaayeen, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo Sheekh C/qaadir Soomow, guddoomiyaha dallada bulshada rayidka ee SOSCENSA, C/llaahi Maxamed Shirwac iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo dhammaantood soo dhaweeyey qorshahan iyo muhiimadda uu leeyahay, iyagoo ballan-qaaday inay garab ku siin doonaan wasiiradda sidii loo fulin lahaa qorshahan cusub.

Ugu dambeyn, waxaa kulankaas ka hadlay wasiir-u-dowladaha wasaaradda horumarinta adeegga bulshada oo ka warramay qorsheyaasha wasaaaradda ee sanadkan gaar ahaan waxbarashada, isagoo sheegay in dhaqaale laga halay dibadda uu noqon karo kaalmo oo kaliya, balse maal-gelinta wax lagu dhaqaajinayo la doonayo inteeda badan inay ka timaada bulshada Soomaaliyeed.

Sahan ay kal hore sameeyeen hay’adda Qaramada Midoobay ayaa lagu ogaaday in 22-kii sano ee burburku ka jiray Soomaaliya ay waxbarashada aasaasiga ah heleen oo kaliya 13% dhallaanka Soomaaliyeed, waxaana haddii uu hirgelo qorshahan lagu xoojinayo waxbarashada dalka ee ay waddo wasaaradda horumarinta iyo adeega bulshada uu noqon doonaa kii ugu weynaa burburka kaddib ee ay ka faa’iideystaan caruurta Soomaaliyeed ee aan haysan waxbarashada aasaasiga ah. 






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/19/2013 1:37 PM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa la kulmay maanta ardayda wax-ka-barta jaamacadda Addis Ababa, isagoo uga jawaabay su’aalo ay weydiiyeen.

2/19/2013 1:04 PM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Wafdi uu horkacayo ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya Michele Cervone oo maanta soo gaarey magaalada Garoowe ayaa la kulmay madaxda sare ee dowladda Puntland.

2/19/2013 7:22 AM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay qarax maanta baqadii ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qaybta qudaarta.

2/19/2013 7:14 AM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga talada haya ee KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay inay qabteen laba nin oo lagu xidhiidhinayo dilkii loo geystay Sheikh Cabdiqaadir Gacamay oo dhowaan lagu dilay magaaladda Garowe ee Puntland.

2/19/2013 7:07 AM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay sideed kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo xalay gellinkii dambe ka dhacay deegaanka Cadaan-laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe.

2/19/2013 6:24 AM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Tan waa qeyb ka mid ah qorshaha ciidamada Jabuuti ee ka howlgalka midowgga Africa AMISOM ay ku hormarinayaa adeegyada kala duwan ee aas-aasiga u ah nolasha iyo sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo wacyiga bulshada iyada loo sii marayo dhinaca waxbarashada.

2/19/2013 6:15 AM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Sida caadadda ah shaqo maalmeedka dadweynaha kala duwan ee magaaladda Hargeysa waxay bilaabantaa afarta subaxnimo ka hor saaladda subax ee aroortii, waxaanay wakhtigaasi rasmiyan u bilaaba adeegsiga gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaan Basaska, waxaana wakhtigaa u badan oo raaca haweenka ka ganacsada khudaarta, hilibka iyo maqaayadaha, waxa kale oo iyana adeegsada baabuurtaasi raga farsamo yaqaaniinta ah ee guryaha dhisa oo iyagana aroorta hore kalaha.

2/19/2013 6:11 AM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan qaatay muddo 45-daqiiqo ah wuxuu garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kula yeeshay xildhibaanka, Keith Ellison oo ah mudanaha keliya ee muslimka ah ee ku jira golaha senate-ka Mareykanka, lagana soo doorto gobolka Minnesota oo ay daggan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool Mareykanka.

2/19/2013 2:12 AM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Ciidamada maamulka KMG ee Kismaayo ayaa howlgallo ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen qaar ka tirsan xaafadaha magaalada kusoo qab-qabtay rag hubeysan oo la sheegay in ay ka tirsanyihiin xarakada Al-shabaab.

2/19/2013 1:00 AM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa shalay gellinkii dambe la wareegay deegaanno dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha.

2/19/2013 12:58 AM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay horumarka iyo xeerka suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, kaasoo ay kasoo qayb-galeen ku dhawaad konton saxafi oo ka kala howl-gala warbaahinta dalka, gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir sida Idaacadaha,TV-yada iyo Websiteyada.