3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2013
Gaadiidka Dadweynaha Hargeysa iyo Wakhtiyada kala duwan Marxaladda ay ku kala sugan yihiin dadweynaha Raaca

Somali Local Bus
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Sida caadadda ah shaqo maalmeedka dadweynaha kala duwan ee magaaladda Hargeysa waxay bilaabantaa afarta subaxnimo ka hor saaladda subax ee aroortii, waxaanay wakhtigaasi rasmiyan u bilaaba adeegsiga gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaan Basaska, waxaana wakhtigaa u badan oo raaca haweenka ka ganacsada khudaarta, hilibka iyo maqaayadaha, waxa kale oo iyana adeegsada baabuurtaasi raga farsamo yaqaaniinta ah ee guryaha dhisa oo iyagana aroorta hore kalaha.

Inta badan wakhtigan oo madow ah waxaad arkaysaa haddii aad soo kacdid haween badan oo wadooyinka hareeraheeda ku sugaya basaska si hawlahoodda u soo qabsadaan, halka basaska qudhoodu marka uu laamidda marayo uu hoon dheer ku dhufto si dadka aan laamidda soo gaadhin usoo cararaan isla markaana isku tuso inuu meesha marayo, maadaama oo habeen tahay mararka badana ay ceeryaamo ama dhado dhacayso oo aanad arkeyn qofka ka horeeya. Dadka inta badan soo raaca wakhtigaasi waa dad soo toosay oo aan hadal iyo rabash u baahneyn, waxaana lagu fuula baska aamusni, aamusina waa lagaga degaa.

Lixda ilaa toddobadana waxa bilaabma gaadiidka gura ardaydda kala duwan oo waxbarasho u aadaya dugsiyo kala gedisan, waxaanay ardaydaasi iskugu jiraan heer dugsi hoose ila xeer jaamacadeed, wakhtigaasi gaadiidka wadada maraya waa kuwo xawaare sare ku socda oo dadajinay ardayda si ay jaanis kale oo ay dadka caadiga ah u qaadan u helaan, waxaana wakhtigaasi wadooynka mashquuliyey arday farobadan oo kala dirays ah maadaama oo dugsi waliba dirays u gaar uu leeyahay, taasina waxay kor u qaaday bilicda ardaydda oo marka aad aragtid arday faro badan oo basas suga oo xidhan dirayskii iskuulkooda indhahaaga ayaa aad u jeclaysanaya daawashadoodda.

Barqadii ilaa kowda duhurnimo waxa gaadiidkaasi dadweynah adeegsada dadka waaweyn ee aan shaqooyinka hayn,  balse makhaayadaha u tagaya sidii ay dhigoodda kale ula soo sheekaysan lahaayeen, haseyeeshe wakhtigaasi waa wakhtiyada uu basku ugu buuqa badan yahay, isla markaana baska dhexdiisa ay dooddo adag ku dhexmarto rakaabka saaran Baska, mararka qaarkoodna waxa dadweynuhu u qaybsamaan laba qaybood oo aad u kala aragti duwan, inta badana waxa hadalka bilaaba odayaaasha baska fuushan si ay madaadalo uga dhigtaan  intay meeshi ay rabeen ku socdaan, kuwaas oo ka hadla hadba waxa maalintaasi jira ama waxa warbaahinta laga sheego, taasina waxay keenta buuq badan, waana wakhtigu uu ugu buuqa badan yahay gaadiidkaasi.

Wakhtiyada galinka dambe waxa gaadiidkaasi isticmaala waa ardayda galinka dambe wax barata oo u badan hablaha aroortii guriga lagaga tago, wakhtigaasi ma buuq badna oo qof waliba waxa uu baska dhexdiisa ku akhrisanayaa buugaag uu sito ama waxa uu ku degdegayaa waxbarashaddii.

Wakhtiyo kala duwan oo aan rakaabka dadweynaha la raacay, si aan uga diyaariyo barmaamijkan wakhtiyadda ay dadweynuhu gaadiidkaasi isticmaalayaan iyo maraaxilka ay ku kala sugan yihiin, ayaa waxa isoo jiitay, isla markaana aan aad ula yaabay  wixii ka dambeeye toban iyo badhka habeenimo ilaa 12:30 dadka gaadiidkaasi raaca, oo u badan dadka shaqooyinka habeenkiii xiliga dambe ka soo rawaxa ee suuqa fadhaysta, gaar ahaan dadka jaadka iibiya iyo kuwo qaliyaba.

Wakhtigaasi marka aad soo raacdid waxa baska kula soo fuulaya niman koodadh waaweyn xidhan, budad sita, wajigoogaa aad ka naxaysid oo aan cidna la hadlayn, baska inta la fuushan yahay qof qof lama hadlayo xiitaa Dirawalka iyo shaqaalaha baska ee lacagta ururinayaa waa la mid raga fuushan baska, dhamaantood way wada mirqaansan yihiin, wajigoodda naxariis iyo waji furnaan kuma arkaysid, waxa baska ka shidan heesihii hore oo inta badan ay dhagaystaan dadka xiligaas soo raaco baska, wakhtiyo kala duwan oo aan soo raacay waxa basaaska dhagaysnayaan waa heesaha Maxamed Mooge oo ay dadka waaweyn iyo inta qayishaa jecel yihiin, waxay u muuqdaan qaar dhuuxaya  midhaha heesta si fiican oo deganaasho ku jirtana ula socda hadba heesta uu fanaankaasi ku luuqanayo.

Inta badna xiliyada dambe marka aad soo marto maqaayadaha iyo meelaha jaadka lagu iibiyo waxa ka shidan heeso uu ku luuqaynayo fanaankaasi, waxaan iswaydiiyey sababta fanaankan ay ugu baxdo ee xiligan uun loo shido, waxaan su’aashaasi waydiiyey nin I ag fadhiyey, waxaanu isago hadalkaasi dhibsanaya igu jawaabay “ fanaankan Maxamed Mooge la mid maaha fanaaniiinta kale, inta badan waxa xiliyada dambe loo dhagaystaa wehel baa laga dhigta, ka safar ku jira iyo askari waardiyaha ahi wuxuu dhagaystaa waa heesihiisa, inta badana waxa uu ka hadlaa nolosha iyo waayaha jira, wuxuuna ku heesaa midho aad culculs oo ku taabanaya, marka sidaas ayaa loo dhagaystaa oo wehel baa laga dhigta”.

“Maxamed Mooge wuxu ahaa macalin iyo fanaan wuxuuna soo shaacbaxay wakhtigii dawladda kacaanka, inta badan wuxuu qaadi jiray heeso sarbeeb ah oo lagu dhaliilayo dawladda oo dadweynuhu guryaha dhexdiisa ayey si hoose ugu dhagaysan jiray, marka dadkii uun baa la qabsaday in wakhti dambe la dhagaysto, wuxuna ahaa fanaankii ugu horeeyey ee u baxsada Kenya markii ee xamili kari waayey nidaamkii jiray, ka dibna markii la sameeyey jabhadii u horaysay ee SSDF  ayuu ku biiray fursad fiicana u helay inuu sameeyo heeso lagu dhaliilayo nidaamkaasi jiray, marka qarsoodigii lagu dhagaysan jiray ayaa ilaa hadda ka hadhin dhaqankii dadka dhagaysta heesihiisa,”ayuu yidhi nin kale oo gaadhiga saarnaa oo su’aashayda maqlayey.

Si kastaba ha ahaatee inta badan fanaankan ayaad moodaa in lagu xukumayey in habeenkii la dhagaysto basaskuna inta badan uu u saaro, fanaanka kale ee isna soo raaca ee habeenkii aad loo dhagaystaa waa Khadra Daahir Cigo oo iyaduna heeso tolmaan oo aad u  macaan qaadda, una badan heeso jacayl dhab ah, inkastoo guud ahaan dakaasi jecel yihiin heesihii fanaantii hore ee waaweyneed.

Bal aynu soo qaadano heesaha Maxamed Mooge qaar kamid ah waa heesta wacdaraha aduunyadda la yidha, “Maxaan wacdaraha adduunka  u soo jiray waayaheeda  warkeeda la ii dhammeeyey  maxaa waran layla doonay  habeennimo layla waayey  nasiib kaga waaberiistay,  maxaa dabin lay wareejey  wedkayga la ii shir-qoolay,  maxaan dacar lay walaaqay  waabay ku caafimaaday.

Maxaan wacad layla qaatay  rumaystay Wallahi beena,  maxan webiyaal is jiidhay  dhexdooda ka waab samaystay  wanaag anigoo sameeyey  maxay wadhi ii danbaysay.  Waayeel dadoow  inaan waalanahay,  duni weer sidoo  weligeed dhintoo,  wacadkiyo xadhkii  weydaarataan  weetaynayaa”

Waxa kale oo ka mid ah heesihii heestan “Maxa Deyr cad geel halaaboo dib jiray uu cunay dugaag oo ninkii lahaa Daydayaa… wakhtigu wuu isdaba socdaa adigoo deegana abaar mar buu dirir ku Curtaayo xareed ku dabaladaa”.

Mar uu hees u sameeyey laba fanaan oo wakhtigaasi dhoofay, isagoo l  dardaarmaya waxa uu yidhi “ walaalkay dhabiyo dhigaygow, dhoofkiinu wuu igu dheer yahee, wax ku dhiba ilaahay ha idin dhaafiyee, dhulkii hooyo waakan, dhaqashaduna waa meel, waan idin dhaariyee ha is dhalin roganna, yey ku dhaafin waanidu way iga dhantee dhaqashada ha luminin, dhigta oo ha waayina, ninkii dhiig leh baa ileyn dhiidhiyee, ha is dhiganine”

Si kastaba ha ahaatee dadka jecel fanaankan ayaa aaminsan inuu fanaankan heesihiisu u badan yihiin guubaabo, wax  sheeg iyo tallooyin ku qotoma nolosha dhabta ah, isla markaana waayaha kala duwan ee nolosha tilmaamaa iyo inuu qof kasta ku samro marxaladda uu nolosha kaga jiro iyo wixii dhibaato ah ee ku yimaadda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland













Click here
2/19/2013 1:37 PM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa la kulmay maanta ardayda wax-ka-barta jaamacadda Addis Ababa, isagoo uga jawaabay su’aalo ay weydiiyeen.

2/19/2013 1:04 PM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Wafdi uu horkacayo ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya Michele Cervone oo maanta soo gaarey magaalada Garoowe ayaa la kulmay madaxda sare ee dowladda Puntland.

2/19/2013 8:28 AM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Wasaarada waxbarashada iyo adeegga bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay qorshe waxbarasho ee sanadka 2013, kaasoo loogu talo-gashay inay ka faa’iideystaan ardayda Soomaliyeed ee aan heysan fursadaha waxbarasho kaddib markii ay saameyn ku yeesheen duruufaha adag ee dalka ka jiray 22-kii sano ee lasoo dhaafay.

2/19/2013 7:22 AM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay qarax maanta baqadii ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qaybta qudaarta.

2/19/2013 7:14 AM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga talada haya ee KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay inay qabteen laba nin oo lagu xidhiidhinayo dilkii loo geystay Sheikh Cabdiqaadir Gacamay oo dhowaan lagu dilay magaaladda Garowe ee Puntland.

2/19/2013 7:07 AM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay sideed kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo xalay gellinkii dambe ka dhacay deegaanka Cadaan-laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe.

2/19/2013 6:24 AM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Tan waa qeyb ka mid ah qorshaha ciidamada Jabuuti ee ka howlgalka midowgga Africa AMISOM ay ku hormarinayaa adeegyada kala duwan ee aas-aasiga u ah nolasha iyo sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo wacyiga bulshada iyada loo sii marayo dhinaca waxbarashada.

2/19/2013 6:11 AM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan qaatay muddo 45-daqiiqo ah wuxuu garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kula yeeshay xildhibaanka, Keith Ellison oo ah mudanaha keliya ee muslimka ah ee ku jira golaha senate-ka Mareykanka, lagana soo doorto gobolka Minnesota oo ay daggan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool Mareykanka.

2/19/2013 2:12 AM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Ciidamada maamulka KMG ee Kismaayo ayaa howlgallo ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen qaar ka tirsan xaafadaha magaalada kusoo qab-qabtay rag hubeysan oo la sheegay in ay ka tirsanyihiin xarakada Al-shabaab.

2/19/2013 1:00 AM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa shalay gellinkii dambe la wareegay deegaanno dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha.

2/19/2013 12:58 AM EST
Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay horumarka iyo xeerka suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, kaasoo ay kasoo qayb-galeen ku dhawaad konton saxafi oo ka kala howl-gala warbaahinta dalka, gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir sida Idaacadaha,TV-yada iyo Websiteyada.