4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2013
Ururka NUSOJ oo kulan wadatashi ah ugu qabatay Magaalada Muqdisho Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay horumarka iyo xeerka suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, kaasoo ay kasoo qayb-galeen ku dhawaad konton saxafi oo ka  kala howl-gala warbaahinta dalka, gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir sida Idaacadaha,TV-yada iyo Websiteyada.

Ugu horreyn kulanka waxaa hadal ka jeediyay xoghayaha guuud ee ururka saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan oo ka hadlay xeer dhawaan dowladda Soomaaliya ay u sameysay saxaafadda dalka, kaasoo uu tilmaamay inuu yahay xeerkii dowladdii uu madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed hoggaaminayay ay soo bandhigtay, isla markaana aanay ku qanci karin saxaafadda; isagoo codsaday in guddi khubaro saxaafadeed ah loo saaro si ay uga soo baaraan-degaan xeerkaasi, waxna ka bedelaan.

Cumar Faaruuq oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale ka hadlay qaabka iminka ay u shaqeyso saxaafadda ka howl-gasha gobolka Banaadir isagoo carabka ku dhuftay si loo helo qorshe lagu soo celinayo xiriirkii saxafiyiintii Muqdisho inuu u magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ururka NUSOJ, Maxamed Bashiir Xaashi isagoo kula taliyay inuu si hufan u guto howsha loo igmaday.

Guddoomiyaha NUSOJ ee goblka banaadir, Maxamed Bashiir oo isaguna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inuu kasoo dhalaali doono booska ay u dhiibteen saaxiibbadiis saxafiyiinta Soomaaliyeed; isagoo shaaca ka qaaday inuu u kuur-gali doono dhibaatooyinka kala duwan ee haysta saxafiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howl-gala Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa ugu dambeyn looga dhawaaqay guddi ka kooban xubno khubaro saxaafadeed ah oo dib u eegis ku sameeya xeer dhawaan dowladda ay ku dhawaaqday oo shuruuc u noqonayoa saaxaafadda dalka kuwasoo ka soo talo-bixinaya qodobbada xeerka cusub ee saxaafadda Soomaaliyeed.