4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2013
Kulan-diimeed looga hadlay dilkii Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax (Gacmey) oo xalay lagu qabtay Garoowe [SAWIRRO]


Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Kulan-diimeen ballaaran oo ay kasoo qayb galeen culimaa'uddiin Soomaaliyeed oo tira badan, islamarkaana loogu magac daray " Maxay u dileen Alle ha dile" ayaa xalay ka dhacay masjidka Al-Huda ee magaalada Garoowe.

Nedwadan oo ay sidoo kale soo xaadireen dadweyne boqolaal gaaraya, kumanaan kalena ay warbaahinta si toos ah ugala socdeen waxaa culimadii khudbadaha ka jeediyey kamid ahaa:

Sheekh Bashiir Axmed Saalax, Sheikh Daahir Aw-cabdi, Sheikh C/naasir Xaaji Axmed, Sheikh Yuusuf Aadan Maxamed, Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf Iyo Sheikh yuusuf Aadan Maxamed.

Qodobada kulankan diiradda lagu saareyna waxaa kamid ahaa: Taariikh nololeedka AHN Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax, Cidda dishey iyo sababta iyo gaba gabada oo ahayd dardaaran iyo samirsiin.

Dhamaan hadalada Culimadu ay xalay kulankaas ka jeediyeen ayaa ahaa kuwo laga dheehan karo sida ay Culimadu uga xun yihiin falkii foosha xumaa ee lagu diley AHN Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo Jimcii lasoo dhaafay Garoowe lagu toogtey.

Culimada ayaa sidoo kale ka sheekeeyey taariikhda wanaagsan ee uu Sheekhu reebay iyo sida uu wakhtigiisa oo dhan ugu hibeeyey barashada iyo fidinta diinta Islaamka.

Culimadu waxay dhinaca kale aad u canbaareeyeen dadkii soo maleegey shirqoolkii Sheeka lagu khaarijiyey, waxayna ku tilmaameen in ay yihiin dad ay ujeedadoodu tahay sidii ay u dabargoyn lahaayeen waxgaradka iyo culimada; si ay dadka u indha tiraan.

Ugu danbeyntii waxay baaq u direen umadda Soomaaliyeed oo dhan, waxayna kula dardaarmeen in ay gacmaha is qabsadaan, islamarkaana ay meel uga soo wada jeestaan cid walba oo jiritaankooda halis ku ah.

Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo kamid ahaa culimada diinta ee ugu waaweyn dalka, kana tirsanaa jamaacada Al-ictisaam waxaa jimcihii oo ay taariikhdu ku beegneyd Feb 15, 2013 lagu diley -isaga oo salaadda Casarka ku jira- masjidka Beder ee xaafadda Hodon ee magaalada Garoowe.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya