4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 17, 2013
Munaasabad loogu dabbaal-degayay Aasaaskii Ciidamada Badda Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) —  Munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii 51-aad ee kasoo wareegtay aasaaska ciidamada badda Soomaaliya  ayaa maanta alu qabtay Muqdisho, iyadoo mas’uuliyiin isugu jiray wasiiro iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan ay ka qaybgaleen munaasabaddan.

Ciidamada badda Soomaaliya ayaa dabaal-degga kusoo bandhigayi gaaddo-ka-ciyaar iyo tartamo ay ku sameynayeen doomaha dheereeya, waxaana uu ka dhacay dabaal-deggan xeebta liido halkaasoo si weyn loogu daawanayay.

“Ciidamada badda waxay shaqeynayaan shan sano oo duruuf adag ah, tan iyo markii dib loo dhisay; maantana waxay marayaan heer lagu tashan karo haddii loo helo qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen,” ayuu yiri taliyaha ciidanka badda Soomaaliya, Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo hadal ka jeediyay dabaal-degga.

Sidoo kale, wasiirka gaashaandhigga Soomaalia, Cabdixakiin Maxmauud Fiqi oo isaguna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in xalka kaliya ee looga hortegi karo burcadbadeedda ay tahay in la tayeeyo ciidamada badda dalka.

“Dowladdu Somalia waxay afarta sano ee soo socota dadaal u galaysaa sidii dib u dhis lahaa ciidamada badda Soomaaliya, si ay u soo celiyaan amniga xeebaha Soomaaliya,” ayuu yiri C/xakiin Fiqi.

Hadallo kala duwan ayaa laga jeediyay dabaal-degga, waxaana xubnihii ka hadlay ka mid ahaa taliyaha booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye iyo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan),  waxay hambalyo u diray ciidamada badda Somalia, iyagoo intaas ku daray inay socoto dib u dhis lagu sameynayo ciidamada dalka oo dhan si ay ammaanka dalka u soo celiyaan.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya