10/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2013
Hay’adaha Turkiga ee Muqdisho ku sugan oo dib u dayactir Xoog leh kawada Waddooyinka Muhiimka ah ee Magaalada (SAWIRRO)


Talaado, December 10, 2013 (HOL) — Hay’adaha horumarinta Turkiga ayaa magaalada Muqdisho kawada howlo dib loogu dayactirayo waddooyinka muhiimka ah ee dhex-mara caasimadda, kuwaasoo ay ka mid yihiin midda Maka Al-Mukarama.

Dib u dactirkan waddooyinka waa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee lagu sameeyo waddooyinka Muqdisho tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

Waddooyinka dayactirka lagu sameeyay illaa hadda ayaa waxaa ka mid ah jidka weyn ee Maka Al-Mukarama oo isku xira madaxtooyada iyo isgoyska mashquulka badan ee Lambar Afar.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in howshan lagu dayac-tirayo waddooyinka ay qayb ka yihiin howlaha lagu soo celinayo bilicdii ay horay u lahaan jirtay Muqdisho, iyagoo sheegay in howlaha dayactirka waddooyinka la gaarsiin doono Muqdisho oo dhan.

Saakay oo Talaado ah ayaa waxaa dib u dhis uu ka socdaa isgoyska KM-4, iyadoo hay’adahan ay horay u dayactireen jidka isku-xira garoonka Aadan cadde iyo Isgoyska Lambar Afar, kaasoo haatan ay gaadiidku isticmaalaan.

Darawallada gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa HOL u sheegay maanta in dayactirka waddooyinka ay faa’iido weyn ugu jirto, ayna soo dhaweynayaan mashaariicda noocan oo kale ah ee horumarinta ah.

Hay’adaha Turkiga dalka yimid sannadkii 2011 markaasoo Soomaaliya ay ku dhufatay abaartii ugu darnayd muddo 60-sano ah ayaa waxay sannadkan ku dhawaaqeen inay soo gaba-gabeeyeen howlihii gargaarka ahaa, ayna hadda gudo-galayaan sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka.

Soomaaliya oo 22-sano ay colaado ka socdeen ayaa inta bada waddooyinka waxay noqdeen kuwo ku burburay colaadihii dalka ka jiray, iyadoo aan helin wax dayactir ah, waxaana dayactirka waddooyinka ay mar kale rajo weyn geliyeen shacabka Muqdisho.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya