4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2013
Qaar ka mid ah Salaaddiinta Somaliland oo Eedeyn Kulul u Jeediyay Golaha Wadashiga iyo Jawaabta Golahaasi uu ka bixiyay

Axad, August 04, 2013 (HOL) — Guddi Salaadin ah oo isku xil saartay inay isku soo dhowaynayaan golaha wadatashiga iyo toosinta oo dhowaan Hargeysa lagaga dhowaaqay iyo xukuumadda Somaliland, ayaa sheegay in waanwaantii ay wadeen ay ku diideen golahaasi, isla markaana golahaasi sharci daro yahay.

Suldaan Aadan Faarax oo ah Guddoomiyaha Gudidii Salaadiinta Somaliland u xil-saareen isu soo dhawaynta xukuumadda iyo golaha la baxay wada tashiga, ayaa sheegay in waan-waantii ay wadeen ka socon wayday dhinaca Golihii la baxay wada tashiga iyo toosinta qaranka.

“Annagu halkan waxaanu ku fadhinaa Gudidii ay Salaadiinta Somaliland u saareen xal u helida siyaasiyiinta la baxay Golaha. Waxaanu doonaynaa inaanu halkan ka sheego wixii aanu kala kulanay dhex dhexaadintii aanu wadnay. Marka u horaysa waxaanu u mahad naqaynaa salaadiinta Somaliland oo soo qaban qaabiyay Gudidayadan ay u xilsaareen arrintan. Gudidayadii waxaanu markii u horaysayba la kulanay siyaasiyiintii arrintan cusub keentay waxaanu la kulanay dhawr goor oo aanu kula kulanay Huteelka Ambassador waxaanu weydiinay waxay ka cabanayeen. Waxay markii aanu aad u wada hadalnay ay sheegeen inay doonayaan inay la kulmaan Madaxweynaha Somaliland. Annaguna waxaanu u sheegnay inay ku dhawaaqeen gole baal-marsan sharciga. Waxaanu ku boorinay inay ka noqdaan Golahan. Waxay nagu yidhaahdeen waanu ka noqonay.”ayuu yidhi Suldaan Aadan Faarax oo ka mid ah guddidii isku xilsaartay arrintan.

Suldaanka oo sii hadlaya ayaa yiri: “Markaas ka dib waxaanu la kulanay madaxweynaha Somaliland oo aanu ku nidhi nimankan odayaasha ah la kulan, maadaama oo ay ka noqdeen Golihii. Waxaanu ku nidhi Madaxweyne waxaanu kaa baryaynaa inaad la kulanto iyagoo aan ahayn Gole dastuuri ah. Madaxweynuhu si sharaf leh ayuu arrintaasi nooga aqbalay.”

Guddidan salaadiinta ayaa sheegay in golahaasi kala kulmeen rajo la’aan iyo inay aqbalaan waanwaantaasi ay wadeen. “Raggaas Golaha sheegtay Golaha waxa u dheeraad ahaa cay iyo aflagaado, madaxweynihii oo ay caayeen ayaa haddana naga yeelay inay hor yimaadaan oo uu la kulmo. Waxaanu la kulanay siyaasiyiintan waxaanu ku nidhi Madaxweynuhu wuu aqbalay inaad la kulantaan ee Guddi kooban soo dirta. Waxa guddoomiyahoodii nagu yidhi sagaal xubnood ayaan soo diraynaa. Markii aanu lix cisho sugaynay. Salaadiinta waxay ku yidhaahdeen Golihii waanu ka noqonay, laakiin meel qudha oo ay ka cadeeyeen inay ka noqdeen ma jirto. Ugu dambayn waxay nagu yidhaahdeen waxba idiinma hayno, wax dambena idiinla iman mayno,”ayuu yidhi Suldaan C/raxmaan Cabdilaahi Aw-good oo ishna sharaxayey waxay kala kulmeen golahaasi.

Dhinaca kale, golaha wadatashiga iyo toosinta ayaa sheegay inay gudidaasi oo ka koobnaa saladin badan ay kala jabeen, isla markaana aanay hawshii sidii ahayd uga soo bixin.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah xubnaha golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa sheegay in salaadiinta Somaliland ee isku xilqaamay hawshii dhex dhexaadinta golaha wada tashiga iyo xukuumada ay wali hawshii sugayso.

Mudane Saleebaan Cali Koore waxa uu sheegay inay ka go,an tahay golahooda inay qaadaan talaabo kasta oo shacabka Somaliland ku gaadhi karaan himiladooda  waxaanu ka war bixiyey kulamadii salaadiinta isaga oo tilmamay inay salaadiintii dhex dhexaadinta waday kala noqdeen laba garab.

“Qaabka ay umaddani ku higsan karto himiladeeda, waxaana naga go’an in si ay ku jirto anshax iyo asluub iyo wax wada lahaansho wax layskugu sheego oo hadyo jeer cunfiga iyo wax is daba marinta iyo erayada aan haboonayn ee ka baxa suuqa  in la yareeyo”ayuu yidhi xildhibaan Cali Koore oo ka hadlayey waanwaanta u socotay iyaga iyo xukuumadda.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo siday hawsha guddidan salaadiinta ahi ku bilaabeen hawsha ka hadlaya waxa uu yidhi  “ Anaga  salaadiin isku dhan oo tiradoodu gaadhayso lixdan ayaa noo yeedhay kuwaas ayaanu wax meel wada dhignay oo aanu ka wada hadalnay maslaxadii umada iyo waxay dantu ku jirto, wax dhibi ma jirto, haddii ay salaadiintu guddi iska saareen guddidu meeshii ay  ku war celin lahaayeen waa la  yaqaanaa oo waa salaadintii kale, cid kasta oo isku dayday inay yarayso khilaafaadka iyo waxyaalaha laysku hayo ixtiraam ayaanu u haynaa, caqligayagu waxa uu na siinayey  in salaadiintii aanu balanay iyaga oo isku dhan ay noo wada yeedhaan, salaadiintana ixtiraam ayaanu haynaa guud ahaan hawshiina wali way  idiin  taalaa ayaanu leenahay, madaxweynahana wax naga xidhayaa inaanu toos ula hadalno oo aanu wax ka wada hadalno  ma jiraan, salaadiintii badnayd ee karaamada lahayd-na waxaanu leenahay wali hawshii way idiin taalaa”

Golahahan ayaa sheegay in aanay waan waantii kabixin balse ay guddidii hawsha ku jirtay kala qaybsantay, isla markaana ay salaadiinta ku wargeliyeen inay iyagoo dhamaystiran u yimaadan, balse qayb ka mid ah aanay hawsha la wadeen.

“Nimankii ay shalay kulmeen rag anaga naga mid ah fikirku waxa uu ahaa in sadex maalmood ama afar maalmood  oo Ciida wixii ka danbeeya laysku yimaado, sadexda maalmood ee cibaadadu badan tahayna lays dhaafiyo, Meel shir jaraa,id laga qabto may oolin  meesha, suldaankuna wuu ka awood weyn yahay  qof shir jaraa,id qabta waayo waa shakhsigii la rabay inuu dhibaatadan yeesho awoodeeda oo uu wax badan qariyo haddii uu wax ogyahay saldanada macnaheeduna taas ayey ahayd, anaguna ixtiraam ayaanu u haynaa sulaadiinta cid ay albaabadayadu ka xidhan yihiin ma jirto,” ayuu hadalka ku daray.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland