4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2013
Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo kulan la qaatay odayaasha beesha Jareerweyne ee Gobollada Jubbooyinka (SAWIRRO)



Axad, August 25, 2013(HOL) :- Xildhibaan C/rashiid Max’ed xidig oo katirsan mudanayaasha baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo kulan kula qaatay odoyaasha beesha Jareer weeyne ee degta gobollada Jubooyinka.

Xildhibaanka ayaa odoyaashii uu kulanka la qaatay ka dhageystay warbixin ay uga hadlayeen xaaladda guud ee gobollada Jubooyinka iyagoona sidoo kale xidlhibaanka u dhiibay fariin ay u dirayeen dowladda federaalka Soomaaliya.

Odoyaashan oo qeyb ka ahaa ergadii soo dhistay maamulka Jubbaland ayaa  goobta ka sheegay in ay taageersanyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya iyagoona ka codsaday madaxda dowladda Soomaaliya in ay taageerto islamarkaana ogolaato maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Odoyaashan ayaa sidoo kale sheegay in ay kasoo horjeedaan nidaamka ay Soomaalida wax ku qeybsato ee 4.5 kaasoo ay sheegeen in had iyo jeer lagu duudsiiyo xaqooda.

Xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig oo madasha  ka hadlay ayaaa u ballan qaaday odoyaashii goobta ka hadlay in fariintooda uu gaarsiin doono dowladda Soomaaliya, wuxuuna dhinaca kale rajo wanaagsan ka muujiyay shirka ka soconayo magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya kaasoo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Gabagabadii odoyaasha beesha Jareerweeyne oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Xildhibaanka iyagona intaa ku daray in fariinta uu xildhibaanka uga keenay dowlada Soomaaliya ay tahay mid ahmiyad u leh beesha iyo guud ahaan shacabka Jubooyinka.

Xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig ayaa mudooyinkii u danbeeyay ka waday gudaha magalaada Kismaayo kulamo kala gedisan oo  uu la qaadanayay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya