4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2013
Nin qaba Cudurka Dhimirka oo Dil ka Geystey Degmada Bacaad-weyn oo ka tirsan Gobolka Mudug

Axad, August 25, 2013 (HOL) —  Ninkan oo kasoo baxsaday saldhigga booliska degmada Bacaad-weyn ee gobolka Mudug ayaa diley labo qof isagoo dhawacay qof kale.

Mid kamid ah odayaasha degmada Bacaad-weyn oo lagu magaaabo Cabdi Faarax, ayaa Hiiraan Online (HOL) u sheegay in ninka dilkan geystey uu ahaa qof madaxa looga jiro.

Cabdi Faarax ayaa sidoo sheegay in labada qof ee ninkaasi uu diley ay ahaayeen dumar, isagoo xusay in ninkani uu horay u diley dhowr qof oo kale.

Maxbuuska madaxa looga jiro ee dilka geystey ayaa waxyar kaddib markii uu soo baxsaday waxa u suurtagashay in uu helo qori ah nooca darandooriga u dhaca ee AK-47, kaasoo uu wax ku diley.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa maalmo kaddib markii sidan oo kale haweeney madaxa looga jiro  gabar yar oo ay dhashay ay ku gowracday degmada C/casiis ee gobolka Banaadir. 

Hooyada xanuunsan ee dilka geysatey ayaa meydka gabadheeda ku qarisay guriga muddo maalmo ah, inkasta oo markii dambe ay derisku arintaas ka war heleen. Falkan oo ahaa mid ku cusub dhegaha dadka reer Muqdisho ayaa noqday mid si weyn looga argagaxay.

Raadadka muuqda ee ay ka tageen dagaalladii sokeeya ee ka dhacay Soomaaliya, waxaa kamida tirada dadka Soomaalida ee qaba xanuunka dhimirka oo gaareysa wax ka badan 3%, sida ay horay u sheegeen hay'adaha caafimaadka ee caalamiga ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland