4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2013
Kenya oo shaacisay in dowladda Belgium ay gacan ka siinayso dib u celinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool

Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dalka Belgium uu gacan ka siinayo sidii qoxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku nool dib loogu celin lahaa dalkooda Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay inuu qoxootiga Soomaalida dib ugu celiyo dakooda Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan ee suurogalka ah.

“Shirka Soomaaliya loogu qabanayo dalka Belgium waxaa lagu soo qaadi doonaa qodobbada kasoo baxa shirka looga hadlayo dib u celinta qoxootiga Soomaalida ee Kenya ka dhacaya 28-ka iyo 29-ka bishan Ogoosto,” ayuu yiri William Ruto.

Ruto wuxuu hoosta ka xariiqay in dalkiisu uu ka qaybqaadanayo sidii nabad loogu soo celin  lahaa Soomaaliya. Isagoo xusay in ciidamadooda Somalia ku sugan ay halkaas u joogaan sidii ay howlaha nabadeynta ay uga qaybqaadan lahaayeen.

“Xukuumad ahaan waxaan doonaynaa in saaxiibbadeen ay nagala qayb-qaataan sidii ay ku suurogeli lahayd in qoxootiga Soomaalida dalkooda dib loogu celiyo. Waxaan rumeysannahay in qoxootiga 600,000 ee xeryaha dalkeenna ku jira ay culeys weyn nagu yihiin,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in shirarkaas looga hadli doono sidii loogu bixin lahaa dadaallo in nabad ku soo dabbaalidda dalalka haroooyinka waaweyn ee Qaaradda Afrika, gaar ahaan Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Congo iyo dalka Koonfurta Suudaan.

Kenya ayaa waxaa muddo sannado ah dadaallo ugu jirtay sidii qoxootiga Soomaalida ah ee dalkeeda ku noolaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay dib loogu celin lahaa Soomaaliya.

Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa horay ugu heshiiyay in la qabto shirweyne looga hadlayo sidii qoxootiga Soomaalida ah ee dalka Kenya ku nool dib loogu celin lahaa dalkooda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya