3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Xariga ka jaray Iskuul Carruurta wax lagu barayo oo Muqdisho laga hirgeliyay (SAWIRRO)


Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xariga ka jaray iskuul laga furay deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho oo wax lagu bari doono carruur Soomaaliyeed, kaasoo dhismihiisa uu hirgeliyay ururka Midowga Afrika.

“Waxbarashadu waa aasaaska horumarka bulsho walba, carruurteennuna waxay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho tayeysan si ay mustaqbal ifaya u helaan. Waxbarashadu waa iftiin, rajo iyo mustaqbal wanaagsan. Carruurteenna waa kuwii dalkeenna hoggaamin lahaa mustaqbalka,” ayuu ku yiri madaxweynuhu hadalk uu ka jeediyay furitaankii iskuulkaas.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri: “Maanta waxaan rabnaa in dalka loo helo mashaariic fara badan oo dib loogu dhisayo, sida mashaariicda waxbarasho, caafimaad, adeegyada bulshada iyo mashaariic shaqo loogu abuurayo dhallinyarada Soomaaliyeed. Dhawaan waxaan Brussels ka dhici doona shir ay ku dhan yihiin mashaariicdii dalkan dhan dib loogu dhisi lahaa, si dalku horumar u gaaro.”

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Maxamed Saalax Anaadiif oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in qorshayaasha AMISOM ay dalka u joogaan aysan ahayn oo keliya inay la dagaalamaan kuwa nabadda diidan, balse ay ka shaqeynayaan horumarinta bulshada.

“Qorshaha AMISOM ay halkan u joogto ma ahan oo keliya in dowladda ay ka caawiso dagaallada ay kula jirto kuwa nabadda diiddan, balse waxaa ka mid ah in la fuliyo qorshayaal bulshada wax u taraya,” ayuu yiri Anaadiif.

Guddoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Xasan Caddoow daaci oo isagana ka hadlay goobta ayaa sheegay in dhismaha iskuulkan uu soo socday muddo saddex sano ka badan, lagu guuleystay in la furo maanta, isagoo ku xusay in loo baahan yahay in laga faa’iideyso aqoonta laga bixinayo.

Dhismaha iskuulkan ayaa waxaa dhaqaalaha ku baxay bixisay dowlad reer Yurub ah taasoo lagu sheegay inay ka badan tahay 147,000 oo doollarka Mareykanka ah, isagoo noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo laga furo magaalada Muqdisho si ay caruurta Soomaaliyeed wax ugu bartaan.

Madaxweynaha oo furayaashii iskuulkaas uu ku wareejiyay Ergayga AU-da ayaa isaguna wuxuu ku wareejiyay wasaaradda horumarinta adeegga bulshada, isagoo ku boorriyay inay wax ugu qabto shacabka Soomaaliyeed haddii ay wax ku qaban waydana looga qaadi doono furayaasha sida loogu wareejiyay maanta.

Dowladdu waxay ahmiyad gaar ah siisay waxbarashada oo muhiim gaar ah u leh dalka oo dib u soo kabanaya, carruurta intooda badan aysan helin fursad waxbarasho, waana sababta ay dowladdu u leedahay hami ah in hal milyan oo carruur ah ay helaan waxbarasho tayeysan.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/22/2013 12:44 PM EST
Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Ururka kubadda cagta ee adduunka FIFA ayaa ku tababaray Muqdisho garsoorayaal iyo ciyaartoy Soomaaliyeed oo ay tiradoodu ahayd 330, waxaana tababarkan uu noqnoayaa kii ugu horreeyay muddo 20-sano ka badan oo FIFA ay xubno Isboorti ku siiso Muqdisho.

8/22/2013 10:39 AM EST
Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Baladweyne loogu soo gabagabeeyay {Shirweynihii wadatashiga dhaqanka beesha Xawaadle ee Samadoon} oo maalintii Talaada aynu soo dhaafnay si rasmi ah uga furmay magaalada Baladweyne.

8/22/2013 10:18 AM EST
Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Golaha wasiiradda Soomaaliya oo kulan ku yeeshay maanta Muqdisho ayaa waxay hadleen qodobbo dhowr ah oo la xariira amniga, falkii shalay lagu dhaawacay haweeney dalka Sweden u dhalatay iyo codsi ay u jeediyeen golaha ammaanka ee Qaramada midoobay oo la xariira in xorriyadiisa dhaqdhaqaaq loosoo celiyo ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale.

8/22/2013 9:42 AM EST
Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dalka Belgium uu gacan ka siinayo sidii qoxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku nool dib loogu celin lahaa dalkooda Soomaaliya.

8/22/2013 8:42 AM EST
Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley guddiga akadeemiga daryeelka Afka Soomaaliga oo dhawaan booqasho ku yimid magaalada Hargeysa.

8/22/2013 7:31 AM EST
Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Dood-cilmiyeed ay soo qaban-qaabisay hay'adda wada-hadalka bulshada ayna ka qaybgaleen ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, kan haweenka gobolka banaadir iyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

8/22/2013 7:06 AM EST
Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak ayaa lagu xukumay xabsi guri, kaddib markii laga sii daayay maanta xabsigii ku jiray, sida lagu shaaciyay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Masar.

8/22/2013 6:36 AM EST
Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa Arbacadii shalay tababar socon doonta saddex maalmood oo ku saabsan dhowrista xuquuqda aadanaha u furay 32 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya.

8/22/2013 6:07 AM EST
Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Laba Beelood oo isku deegaan ah, ayaa shalay dagaal ku dhexmaray deegaanka Gawse weyne ee degmadda Oog ee gobolka Saraar.

8/22/2013 5:52 AM EST
Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu dhaarinayo madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe - oo markii todobaad ku guuleystey madaxtinimada dalkaas - ayaa maanta ka dhaceysa caasimadda Zimbabwe ee Harare.

8/22/2013 3:00 AM EST
Khamiis, August 22, 2013 (HOL) —Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo isugu yimid kulan aan caadi ahayn, ayaa ku baaqay in baaritaan madax bannaan oo deg deg ah lagu sameeyo duqeyn loo adeegsadey gantaalaha xambaara kiimikada sunta ah, oo shalay ka dhacday deegaanka Qowdah oo ku yaalla duleedka caasimadda Suuriya ee Dimishiq.

8/22/2013 1:49 AM EST
Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Iskahorimaad khasaare dhaliyay ayaa ka dhacay deegaan ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya kuna yaalla gudaha Kenya, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac inta uu le’eg yahay.

8/22/2013 1:39 AM EST
Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Mas’uulka bisha cas ee dalka Turkiga u jooga Soomaaliya oo horkacaya kolanyo gaadiid ah oo ay saaran yihiin raashin ayaa soo gaaray magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

8/22/2013 1:33 AM EST
Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Saddex xiddigle ka tirsanaa booliiska Soomaaliya iyo ruuxii dilay oo Al-shabaab ayaa shalay lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana ruuxa ay ciidamadu toogteen ee sarkaalka dilay la dul-dhigay digniin ah inaan maydkiisa la qaadi karin.