4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2013
Tallaalka dabeysha oo ka billowday Buuhoodle iyo qoraal muran dhaliyay oo lagu faafiyey Magaalada Laascaanood (SAWIRRO)


Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu kala diraayay kooxaha ka qaybqaadanaya tallaalka dabeysha ayaa lagu qabtay magaalada Buuhoodle. Munaasabaddaas oo ay kasoo qayb-galeen bahda caafimaadka, waxgaradka iyo hawl-wadeennada tallaalka ayaa waxaa tallaalay labadii qof ee ugu horreeyay wasiir ku xigeenka caafimaadka Puntland, Dr. Maxamed Xirsi Ducaale.

Duqa degmada Buuhoodle ee maamulka Puntland, Cumar Xaaji Cabdi oo halkaas ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday in tallaalkani loo baahan yahay hawl-wadeennadu inay si feejignaan ah ku bixiyaan oo aysan cidna dhaafin.

Isku-duwaha wasaaradda caafimaadka, Maxamuud Axmed Daad ayaa isna sheegay in tallaalkani uu maanta ka duwan yahay kii hore, isagoo xusay in la tallaalayo dadka ka yar 10-ka sano.

Si kastaba ha ahaatee waxaa si weyn loo hadal hayaa cudurka dabaysha; iyadoo dhawaan laga helay magaalada Laascaanood taasoo dad badan ay walaac iyo wal-wal xooggan ka muujiyeen.

Dhinaca Kale, xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa waxaa hareeyay muran ka dhashay talaalka; kaddib markii aqoonyahan lagu magacaabo C/salaan Tungub uu qoraallo uu ku sheegayo in tallaalku uu yahay mid dadka qallajinaya uuu ku faafiyay magaalada.

C/salaan Tungub wuxuu ka mid yahay qurba-joogta dib ugu soo laabtay dalka wuxuuna ku leeyahay gobolka in ka badan toban iskuul oo heerarka kala duwan ah sida dugsi hoose, dhexe iyo sare, taasi oo keenatay inay dad badan  oo uu bare u yahay uu ka dhaadhicyay in talaalku yahay mid khatar ah.

Qoraalkan oo u samaysnaa qaab buug kuna qornaa luqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisiga ayaa waxay kusoo beegantay waqti cabsi weyni ka jirto guud ahaan gobolka kaddib markii laga helay hal qof oo uu cudurka dabeyshu asiibay, loona diyaar garoobayay in kooxihii u bixi lahaa safarrada ay diyaar yihiin.

Mas’uuliyiinta caafimaadka iyo maamulka gobolka ayaa C/salaam Tungub la leh wadahadallo si uu raalli-gelin uga bixiyo qoraallada uu sameeyay ee uu ku dacaayadeynayo tallaalka dabeysha, isagoo buugga uu warkan ku sheegay u bixiyay DHAB IYO DHIBCO KOOBAN.

Ma jirin sidii caadadu ahayd munaasabadii dardaaranka ee uu ururka WHO u qaban jiray hawl-wadeenada tallaalka; waxaana loo qaatay oo dadku ku sheekaysanayaan inay tahay mid looga dedejiyay inaan hadalku bulshada ku dhex faafin.

Ma cadda saamaynta uu ku yeelan doono buuggan ku yeelan karo tallaalka cudurka dambeysha; waxaase xusid mudan in qaar badan oo dadka ka mid ah ay xaashiyo kooban heleen taasoo luminaysa macnihii xiriirsanaa ee qoraalkan.


Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Somaliland