4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2013
Dagaalyahano taabacsan Ururka Al-shabaab oo gurigiisa kala baxay taliyihii hore ee Nabad-sugidda Magaalada Baydhabo

Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Dagaalyahanno taabacsan Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay maanta gurigiisa ku weerareen Mayoow Teesoow oo horay u ahaa taliyihii nabadsugidda dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya ee degmada Baydhabo, iyadoo lala qafaashay rag kale oo la joogay.

Wararka ayaa sheegaya in Mayoow Teesoow ay la joogeen xilliga weerarka lagu qaaday xubno ka tirsan Al-shabaab oo ay aad isugu dhow yihiin Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Masuur) oo uu khilaaf kala dhexeeyo dhinaca kale ee Al-shabaab.

Guriga sarkaalkan ay kexeysteen Al-shabaab ayaa wuxuu ku yaallay deegaanka Labaatan-jiroow, iyadoo warar aan la hubin ay sheegayaan in la geeyay deegaanka Iidaale oo 60-km u jira degmada Diisoor oo ay kooxda Al-shabaab ka taliso.

Mayow Teesoow horay ugu biiray Al-shabaab kaddib markii uu ka goostay dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya sannadkii 2011. Balse dib ayuu uga soo laabtay, lamana oga sababta keenay in Al-shabaab ay afduubaan.

Ehellada sarkaalkan ayaa aad uga walwalsan xaaladdiisa, maadaama uu ahaa nin si aad ah looga yaqaannay gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellada hoose uuna isaga tagay Al-shabaab oo uu muddo ka tirsanaa.

Ma jiro hadal kasoo baxay Maamulka degmada Baydhabo iyo kan gobolka Bay oo ku saabsan afduubka ay kooxda Al-shabaab ku qabsadeen Mayoow Teesoow.

Hiiraan Online, Baydhabo