4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2013
Qarax ka dhashay gaari Waxyaabaha qarxa lagu xiray oo ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, August 15, 2013 (HOL) — Saddex qof oo uu ku jiro ganacsade lagu magacaabo Xuseen Goley ayaa ku dhaawacmay qarax lagu xiray gaari uu lahaa ganacsadan oo ka dhacay maanta barqadii afaafka hore ee xarunta ugu weyn ee shirkadda Dahabshiil ay ku leedahay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu qarxay xilli ay ku dhex jireen dadka ay wayeelladu gaartay, iyadoo qaraxan la sheegay inuu ahaa mid xooggan oo laga maqlay daafaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Dadweyne fara badan ayaa kusoo xoomay goobta uu qaraxu ka dhacay iyagoo dadki ku dhaawacmay ka saaray gaariga, dabadeedna billaabay inay gaariga dambiyaan, waxaana soo gaaray goobta ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Xaaladda suuqa ayaa kacsan, iyadoo aan la ogeyn cid ka dambeysa qaraxa iyo sababta loo beegaday ganacsadaha oo horay u ahaa maamulkii shirkaddii xawaaladda ee Global oo ku biiray shirkado kale oo xawaaladeed, waxaana dhaawaca ganacsadaha loo qaadayaa hadda magaalada Nairobi ee dalka Kenya si loogu soo daweeyo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo qarax noocan oo kale ah uu Bakaaraha ka dhaco, waxaase dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo noocan oo kale ah oo ay khasaare kasoo gaartay dad rayid ah iyo askar ka tirsan ciidanka dowlada Soomaaliya.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya