4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2013
Guddoomiyaha Gobolka Bakool ee Dowladda Soomaaliya oo Shaaciyay in ay la Wareegeen Deegaanno ku dhow Degmada Xudur

Khamiis, August 15, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha dowladda Soomaaliya ee gobolka Bakool, Maxamed Macalin ayaa sheegay in dagaallo shalay dhacay ay kula wareegeen deegaanno ku dhow degmada Xudur ee gobolka Bakool, uuna qorshahoodu yahay inay la wareegaan degmada Xudur.

Maxamed Macallin ayaa sheegay in deegaannada ay la wareegeen ay ka mid tahay Rab-dhuurre oo ay Al-shabaab ka talin jirtay, ayna hadda degmada Xudur u jiraan wax ka yar 50-km.

“Weerar ay ciidamada dowladdu qaadeen ayay kula wareegeen deegaanno ku dhow degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaare labada dhinac soo gaaray,” ayuu yiri guddoomiyaha oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dhankooda ay kaga dhinteen dagaalladaas laba askari, lix kalena ay kaga dhaawacmeen, balse ay kaga dileen Al-shabaab 10-qof ayna kaga dhaawacmeen 15-qof oo kale inta ay hubaan.

“Waxaan doonaynaa inaan dhawaan la wareegno degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, waxaana socda diyaargarow xooggan oo aan arrintaas ugu jirno,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bakool oo sheegay in go’aankooda uu yahay mid aysan ka laabanayn.

Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxaa ku sugan ciidammo ka tirsan Al-shabaab oo la wareegay horraantii sannadkan, kaddib markii ay ciidankii Itoobiya iyo kuwii Soomaaliya ee halkaas ku sugana isaga baxeen.

Maamulka gobolka Bakool ayaa dhawaanahan diyaarinayay ciidammo ay ku weeraraan deegaannada ay gobolkaas kaga sugan tahay Al-shabaab, iyadoo todobaadkan ay dhaceen dagaallo dhowr ah oo u dhexeeya Al-shabaab iyo cidamada dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya