4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2013
Hay’adda MSF oo si rasmi ah ugu dhawaaqday Maanta inay joojisay howlihii caafimaad ee ay ka haysay Soomaaliya


Arbaco, August 14, 2013 (HOL) — Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahay ee MSF ayaa ku dhawaaqday maanta oo Arbaco ah inay joojisay gabi ahaan howlihii caafimaad ee ay haysay gudaha Soomaaliya, kaddib markii ay sheegtay in xaaladda ammaan ay sii xumaanayso.

“Howlihii caafimaad ee aan ka haynay Soomaaliya waan joojinnay, waana natiijo ka dhalatay weerarro lala beegsaday qaar ka mid ah shaqaalaheenna. Innagoo u dulqaadannay dhibaatooyin isugu jira dil, afduub iyo hanjabaadyo loo geystay shaqaalaheenna caafimaadka,” ayuu yiri madaxweynaha MSF, Unni Karunakara oo warbaahinta kula hadlay Nairobi.

Go’aanka ay MSF uga baxayso guud ahaan Soomaaliya ayaa noqonaya kii ugu horreeyay tan iyo markii ay howlaha caafimaad ka billabeen gudaha dalka Soomaaliya, mana jirto wax hadal ah oo ay dowladda Soomaaliya ka soo saartay arrintan.

“Waan soo gabagabeynaynaa howlaheenna caafimaad ee Soomaaliya, waayo waxaa kuusoo kordhaysa khatarta dhinaca amniga ah, mana awoodno inaan ka shaqeyno goob lagu beegsanayo shaqaalaha samafalka,” ayuu Karunakara ku daray hadalkiisa.

Isagoo sharraxayay dhibaatooyinka shaqaalahooda loogu geystay Somalia ayuu wuxuu kasoo qaatay, dilkii laba shaqaalahooda ka mid ah oo ajnabi ah loogu geystay Muqdisho bishii December 2011 iyo laba hablood oo u Spain u dheshay oo dhawaan lasii daayay, kuwaasoo laga afduubay xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya bishii Oktoobar 2012.

Sidoo kale, Karunakara wuxuu sheegay in xarumaha ay xirayaan ay yihiin 11 xarumood oo ku yaalla guud ahaan Soomaaliya oo ay ku jiraan Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaasoo ay daweyne u soo doontaan boqolaal kun oo bukaanno soomaaliyeed ah.

“Dableyda hubeysan waxay beegsanayaan shaqaalaha gargaarka, cuqaasha deegaannaduna waxba kama qabtaan dhibaatooyinkaas shaqaalaheenna loo geysanayo. Tani waa mid saameyn xooggan ku yeelan doonta gargaarkii aan siin jirnay shacabka Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxa guud ee MSF.

Sannadkii lasoo dhaafay shaqaalaha hay’adda MSF oo tiradoodu gaarayso 1,500 ruux ayaa waxay gargaar caafimaad u qaybiyeen 624,000 bukaan oo Soomaali ah, iyadoo isbitaallada hay’addu ay ku leedahay Somalia la dhigay 41,000 oo ah bukaanno xanuuno kala duwan qabay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya