4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2013
WASIIRKA KHEYRAADKA DALKA: "WFP Waxaan Kula Heshiinnay in Raashinka Gargaarka ah ay ka iibiso beeraleyda Soomaaliyeed"

Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Wasiirka kheryaadka dalka, Cabdrisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay maanta in hay’adda WFP ay kula heshiiyeen in gargaarka ay bixinayso ay ka iibiso beeraleyda Soomaaliyeed, halkii ay markii hore ka keeni jirtay dalka dibaddiisa.

Mudane C/risaaq Cumar ayaa sheegay in sidoo kale ay hay’adda WFP kala hadleen in gargaarka aysan kusoo begin xilliyada ay beeruhu soo go’ayaan balse ay bixiyaan xilliyada ay abaaruhu jiraan oo ah xilliyada loogu baahida badan yahay gargaarka.

“Hay’adda WFP waxaan kula heshiinnay in gargaarka ay bixinayso ay ka iibsato ganacsatada Soomaaliyeed, sidoo kalena aysan gargaarka ku aadin xilliyada ay beeruhu soo go’ayaan,” ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay Radio Muqdisho oo ku hadla afka dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale, sheegay in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo ay ku doonayaan in ganacsatada Soomaaliyeed ay dhaqaale wanaagsan ka helaan dalagga uga soo go’a beerahooda, isagoo intaas ku daray inay tani sare u qaadayso dhaqaalaha dalka soo gala.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu sheegay inay wadaan qorshayaal ay dib ugu howlgelinayaan ceelashii biyaha siin jiray Xamar, si ay dadka magaalada ku nool u helaan biyo nadiif ah oo ay cabaan.

“Waxaa noo qorsheysan inaan dib u howlgelinno ceelashii biyaha siin jiray Muqdisho ee ku kala yaallay deegaanka Ceel-cirfiid iyo deegaanka ceelasha biyaha, goor dhaw ayaana billaabi doonnaa biyo-gelinta magaalada innagoo siin doono dadka biyo nadiif ah, waxaa mashruucaas naga taageeri doono hay’ado caalami ah iyo dowladda Suudaan,” ayuu wasiirku mar kale yiri.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa sheegay in qorshayaashooda mustaqbalka dhow ay ka mid yihiin sidii looga kaaftoomi lahaa fuustooyinka shidaalka lagu iibiyo, isla markaana ay gaadiidleydu shidaalka uga iibsan lahaayeen kaalimaha shidaalka oo dib loo dayactiray.

Wasiirku wuxuu sheegay in shidaalka fuustooyinka uusan tayo wanaagsan lahay, sidoo kalena uu khatar u yahay inuu ka kaco dab khasaare ba’an u geysta shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya