4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2013
Qurbo-joog kasoo jeedda Gobolka Hiiraan oo Maalmihii lasoo dhaafay si aad ah ugu Qulqulayay Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Labadii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa si weyn u soo gaarayay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan qurba-joogta kasoo jeeda gobolka, kuwaasoo sheegay in ujeeddada socdaalkooda uu yahay ka qeyb-galka shirweyne uu ku baaqay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Waxaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne xubno qeyb ka ah qurba joogta u socta ka qeyb-gallka shirweynaha maalin kadib la fillayo in uu ka furmo magaalada, oo ay ku soo dhaweeyeen garoonka qeybaha bulshada oo ay ka mid yihiin xubnaha ururka dhalinyarrada gobolka.

Cismaan Raagge Saney oo ah guddoomiyaha ururka dhalinyarrada qurbo-joogta gobolka Hiiraan oo horkacayay qurbo joogta maanta gaartay magaalada Baladweyne oo la hadllay HOL ayaa sheegay in uu siweyn ugu faraxsan yahay dib ugu soo laabashada magaalada, isaga oo ka mahad celiyay soo dhaweyntii loo fidiyay isaga iyo xubnaha safarka ku wehliyay.

“Dabcan waa nagala soo horeeyay walina waa la soo socdaa, sababta aan halka u soo gaarnayna wax kala ma'aha waa in aynu ka qeyb-gallno oo kaliya shirka uu ku baaqay Ugaaska,'' ayuu yiri Cismaan Raagge Saney.

Dhinaca kale, waxaa uu sheegay in marka laga soo tago shirka uu ku baaqay Ugaaska sidoo kale qurba joogta dib u eegis ku sameyn doonaan fursadaha shaqo ee ka jira gobolka gaar ahaa magaalada Baladweyne  iyo haddii ay jiraan mashaariic laga hergalin karo, madaama ayuu yiri ammniga magaalada uu yahay mid leysku haleyn karo.

“Runtii nabad-galyo ayaa ii muuqata, waxaa ay arintan dhiiri-galin weyn u noqon kartaa dadka qurbaha jira in ay dalka dib ugu soo laabtaan kana sameystaan gobolka mashaariic hormarineed,'' ayuu yiri Cismaan Raagge Saney oo ah guddoomiyaha dhalinyarrada qurba joogta Hiiraan.

Labadii todobad ee la soo dhaafay ayaa la oran karaa waxaa magaalada Baladweyne soo gaaray tiradii ugu badney ee qurba joogta ka soo jeeda gobolka kuwaa oo u muuqda in ay xiligan ka fikirayaan sidii ay maalgashi ugu sameysan lahaayeen gobolka gaar ahaan magaalada Baladweyne.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya