4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2013
Baarlamaanada Soomaaliya iyo Uganda oo Maanta Magaalada Kamapala ku kala saxiixday Heshiis ay ku Mataanoobeen


Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis ay ku mataanoobeen, kaas oo ay ku yeelanayaan wada-shaqeyn, kaddib kulan saacado qaatay oo ay ku yeesheen Kampala guddoomiyaha baarlamaannada labada dal iyo xildhibaanno.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ka warbixiyay heshiiska ayaa sheegay inuu yahay mid qaybo badan ka kooban, kuwaasoo ay ugu muhiimsan tahay in labada baarlamaan ay yihiin maanta wixii ka dambeeya kuwo mataano ah oo wadashaqeyni ay dhexmrayso.

“Heshiiskan aan maanta la saxiixannay baarlamaanka Uganda waxay qaban-qaabadiisu soo billaabatay bishii Feberaayo ee sannadkan, maanta ayaana la soo gabgabeeyay. Waxaana uu ka kooban qodobbo badan oo ay ka mid tahay in labada baarlamaanka ay si joogto ah ay uga wada shaqeeyaan labada dal,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in heshiiska ay ka mid yihiin sidii xildhibaannada laba baarlamaan ay u yeelan lahaayeen xiriirro joogto ah ayna xogaha isku dhaafsan lahaayeen. Isagoo xusay in mataaneyntan ay keenayso in xildhibaanno ay isdhaafsadaan labada baarlamaan kuwaasoo ka kala shaqeyn doona Kampala iyo Muqdisho.

“Baarlamaanka Uganda inaan heshiiskan la saxiixanno waxaan u doorannay iyadoo labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Uganad ay yihiin kuwo meelo badan iska shabaha, sidoo kalena aan doonayno inaan ka faa’iideysanno horumarrada ay sameeyeen, maadaama dhibaato tan hadda na haysata la mid ah ay horay u soo mareen,” ayuu Prof. Jawaari hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, heshiiskan ayuu ku tilmaamay mid taariikhi ah oo xoojinaya xiriirka labada dal iyo wadashaqeynta xildhibaannada iyadoo xildhibaan kasta oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya uu xiriir joogto la yeelanayo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Uganda.

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa ayaa saxiixa heshiiskan kaddib kormeer ku sameeyay dhismaha baarlamaanka dalka Uganda, iyagoo intaa kaddib ka qaybgalay qado-sharaf uu baarlamaanka Uganda u sameeyay.

Dalka Uganda ayaa waxaa dalka Soomaaliya kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo ka howlgalayay kuwaasoo ka howlgalayay Soomaaliya muddo lix sannadood ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya