4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2013
Kooxo hubeysan oo Askari ka tirsan Ciidamada Maamulka ku dilay Degmada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii xalay ku toogtay xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Baladweyne askari ka tirsanaa ciidamada maamulka gobolka HIiraan oo xiligaa la sheegay in uu ku sii jeeday gurigiisa.

Taliyaha saldhiga booliiska magaalada Baladweyne Col Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in rag hubeysan xalay toogasho ku dilleen askariga, isaga oo intaa ku darray in kooxihii dilka geystay markiiba goobta ka baxsadeen.

“Askariga la toogtay waxaa lagu magacaabi jiray Max'ed Faarax, waxaa weeraray kooxo hubeysan oo toogasho ku dillay, markiibana goobta ayeey ka baxsadeen,'' ayuu yiri taliyaha saldhiga booliiska magaalada Baladweyne.

Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay howlgal balaaran waxaa ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada, gaar ahaan xaafadda Xaawo Taako oo ah  halka lagu dillay askariga ka tirsanaa ciidamada.

Col. Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa sheegay in dadka howlgalka lagu soo qab qabtay qaarkood la sii dayay kadib markii lagu waayay wax danbi ah, halka tiro kale oo la tuhusan yahay gacanta lagu hayo.

Dilka xalay lagu beegsaday askariga ka tirsanaa ciidamada maamulka gobolka ayaa qeyb ka noqonaya dilal horay uga dhacay magaalada oo kooxihii ka danbeeyay qaarkood ciidamada gacanta ku soo dhigeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya