4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2013
Dadka ku nool Tuulada Gooyaale ee Gobolka Bay oo billaabay inay si iskood ah u hagaajistaan jidadka ay maraan (SAWIRRO)


Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Tuulada la yiraahdo Gooyaale dadka ku nool ayaa waxay billaabeen in waddooyinka soo gala tuulooyinkooda ay dib u hagaajistaan si ay u fudadaato aadista beerahooda iyo ceelal biyoodyada ay biyaha kasoo dhaansdaan, iyadoo gaadiidkana ay u tahay mid wanaagsan in waddooyinkaas la hagaajiyo.

Guddoomiyaha tuuladada Gooyaale, Sheekh Aadan Soomow ayaa sheegay in aysan ku tashanayn wax maamul dowladeed ah, waayo weli ma arkin buu yiri maamul dowladeed oo si wanaagsan u shaqeynaya, waxna u qabanaya bulshada baahideeda.

Isagoo sii hadalya sheegay in hay’adaha samafalka ay magacooda maqlaan balse aysan jirin wax ay ka helaan, weligoodna aysan deegaankan waxba ka qaban, laakiin waxaa noo yimaada buu yiri kuwa wada talaalka carruurta.

Sheekh Aadan Soomow wuxuu intaas ku daray in ceelasha ay biyaha kasoo dhaansadaan ay yihiin kuwo ay iyagu qoteen, waraha biyuhu galaanna ay iyagu hagaajistaan inta aan la gaarin xilli roobaadka.





Hiiraan Online, Baydhabo