4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2013
Xildhibaanno Ilyaas Barre Shiil oo Shaaciyay in Kenyan aysan doonayn inay Qabsato Taako ka mid ah dhulka Soomaaliya

Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Kenya aysan doonayn inay taako ka mid ah dhulka Soomaaliya qabsato, wararka la faafiyayna ay yihiin kuwo been abuur ah oo la doonayo in la isaga horkeeno labada dal iyo labada dowladood.

Mudane Barre oo ka hadlayay kulan ka dhacay Nairobi oo ay ka qaybgaleen siyaasiyiin Soomaaliyeed oo xilal kala duwan kasoo qaybtay Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha Kenya ee ku aaddan Somalia uu yahay inay iska kaashadaan la dagaalanka argagaxisada.

“Qorshaha Kenya ee Soomaaliya waa inay iska kaashadaan sidii ay dagaal wadajir ah ula geli lahaayeen argagaxisada oo labada dalba dhibaatooyin isku mid ah u geystay, balse waa waxaan jirin in Kenya ay doonayso inay qabsato dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri Ilyaas Barre.

Xildhibaanku wuxuu hadalkan ku sheegay mid been abuur ah oo dantiisu ay tahay in la isaga horkeeno labada dowladood oo walaalo ah, isagoo tusaale u soo qaatay inay kulanka goobjoog ka yihiin mas’uuliyiin xilal sarsare kasoo qabtay Soomaaliya.

“Soomaaliya iyo Kenya waa dad walaalo ah, dantooduna waa inay si nabad ah ku noolaadaan, ma jirto wax colaad ah oo u dhexeysa, mana doonayno inaan taako dhul ah oo Soomaaliya ka mid ah aan qabsanno,” ayuu Barre hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, waxaa isagana kulanka ka hadlay xildhibaan Maxamed Daahiye oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Kenya, isagoo dowladda Somalia ugu baaqay inay la heshiiso maamulka Jubbaland si qoxootiga Somalia ah ee ku jira xeryaha Kenya ay u suurogasho in dib loogu celiyo Soomaaliya.

Hadalladan ayaa waxay meesha ka saarayaan shakigii laga qaybay in soo gelitaanka Kenya ee Koonfurta Soomaaliya uu yahay inay ka sameysato dhul ay ka difaacdo dalkeeda oo weerarro ay ku qaaddo Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya