4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2013
PROF CALI M. GEEDDI: “Magaalada Muqdisho Habeenkii Waxaa ka Taliya Al-shabaab Maalintiina Ciidamada Dowladda Somalia”


Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore ee DKMG ahayd ee Soomaaliya, Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa dhaliilay dowladda Soomaaliya ee xilka haysa, isagoo sheegay inay ku filnaan waysay inay sugto ammaanka Muqdisho, sidoo kalena ay ugaarsi gaar ah ku hayso qaar ka mid ah beelaha Muqdisho.

Prof. Geeddi oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Nairobi oo ay kasoo qaybgaleen siyaasiyiin Soomaaliyeed, madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya.

“Dowladda Soomaaliya waxaa doortay shacabka Soomaaliyeed, waxaana laga doonayaa inay u adeegto shacabka, waana inay xoogga saarto amniga, waayo Muqdisho amni kama jiro aniga ayaana dhawaan ka imid,” ayuu yiri Prof. Geeddi oo kulanka ka hadlay.

Sidoo kale, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu sheegay inay ka taliso Muqdisho habeenkii Al-shabaab, maalintiinna ay ciidamada dowladdu ka taliyaan, taasna aysan noqonayn dowladnimo, balse loo baahan yahay in dowladdu ay xoogga saarto sidii ay ammaanka dadka Muqdisho iyo kuwa kale ee gobollada dalka ay ammaan ku heli lahaayeen.

“Magaalada Muqdisho habeenkii waxaa ka talisa Al-shabaab, maalintiina waxaa ka taliya ciidamada dowladda, taasna ma ahan mid lagu hanan karo dowladnimada dalka, waxaana madaxda dalka ugu baaqaynaa inay howsha loo doortay uga soo baxaan sidii loogu doortay, haddii kalena ay dadku kala wareegi doonaan hoggaanka,” ayuu yiri Prof. Geeddi.

Dhanka kale, ra’iisul wasaarihii wuxuu sheegay in maamulka dalka ay isku koobeen koox diimeed uu ku eedeeyay inay horay u diidanaayeen dastuurka dalka, isagoo sheegay in madaxdaas ay doorteen shacabka Soomaaliyeed loogana baahan yahay inay ugu adeegaan sida ay shacabku doonayaan.

“Anigu kooxda talada haysa waan maqlay, waxayna ahaayeen kuwo kasoo horjeeday dastuurka markii dastuurkan sameyntiisa la billaabayay, iyagoo leh dastuur aanan sameysan kuma dhaqmi karno,” ayuu yiri Prof. Geeddi.

Ugu dambeyn, Prof. Geeddi wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda Somalia inay yaqiinsadaan in dowladda hadda jirta ay dhashay dowladdii KMG ahayd ayna dadka Soomaaliyeed ugu adeegaan si siman iyagoo aan dhinac gaar ah la safanayn.

Maxamed Xaaj iXuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya