4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2013
Dib u dhac ku yimid Magacaabiddii Golaha Wasiirrada Maamulka Jubba-land oo lagu waday in Maanta lagu dhawaaqo

Axad, August 11, 2013 (HOL) — Iyadoo maanta la filayay in magaalada Kismaayo looga dhawaaqo golaha wasiirada maamulka Jubbaland ayaa waxa arintaasi ku yimid dib u dhac iyadoona mudo 10 maalmood ah dib loo dhigay.

Dib u dhacan ayaa ka danbeeyay kadib markii wafdi ka socday urur goboleedka IGAD oo uu horkacayay xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Jeneral Gabre oo maanta soo gaaray Kismaayo ay masuuliyiinta maamulka ka codsadeen in ku dhawaaqidda golaha wasiirada dib loo dhigo mudo 10 maalmood ah.

Wafdigii ka socday IGAD ayaa gudaha garoonka kulan kula qaatay masuuliyiinta maamulka Jubbaland iyo qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka, waxayna ka dalbadeen in mudo 10 maalmood ah dib loo dhigo soo dhisidda golaha wasiirada, iyagoona ballan qaaday in mudadaas gudaheeda ay isugu keeni doonaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

C/qani Cabdi Jaamac oo kamid ah masuuliyiinta maamulka Jubbaland oo wareysi gaar ah siiyay shabakadda HOL ayaa sheegay in dib u dhacan uu ka danbeeyay kadib codsi uga yimid dowlad goboleedka Igad oo ku aadanaa in fursad la siiyo wadahadallada u dhexeeyo dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

“Waxaa noo yimid wafdi uu hogaaminayay Gen Gabre oo uu soo diray ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya, waxay naga codsadeen in mudo 10 maalmood ah dib loo dhigoo magacaabidda golaha wasiirada, inaguna waan ka aqbalnay,” ayuu masuulkani hadalksii raaciyay.

Dib u dhacan ku yimid dhameystirka maamulka Jubbaland ayaa kusoo beegmaya iyadoo mudooyinkii u danbeeyay ay soconayeen wadahadallo ay marti gelisay dowladda Itoobiya kuwaasoo la doonayay in la isugu keeno dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya