4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2013
Orodyahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah oo mar kale ku guuleystay Orodka dheer ee Tobanka kun ee Mitir ee Dunida


Axad, August 11, 2013 (HOL) — Orodyahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah ayaa ku guuleystay orodka dheer ee 10,000 oo mitir tartanka adduunka eek a dhacaya magaalada Moscow ee xarunta dalka Ruushka.

Mo Farah ayaa ku guuleystay oroddada 5,000 ee mitir iyo 10,000 ee mitir ciyaarihii olombikada ee ka dhacay London isla sannadkan, iyadoo 30-jirkan uu horumar kale oo dhinaca orodka ah uu ka sameeyay tartanka ciyaaraha fudud ee caalamka ee ka socda Moscow.

Faarax oo u orda dalka Britain ayaa jabiyay rikoorkii ciyaaraha 10,000 ee mitir ee caalamka u yaallay ee uu dhigay orodyahanka reer Itoobiya Ibraahim Jeylaani, kaddib markii uu ku orday 27 daqiiqo iyo 21.71 il-biriqsi.

“Waxaan haysataa khibrad aan dhaxalay laba sano ka hor,” ayuu Mo Farah u sheegay BBC-da qaybta isboortiga. Isagoo intaas ku raaciyay. “Waxaan ogahay inaan hadda ka badiyay rag badan oo iga khibrad badan. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan heerkan imaado oo aan ku guuleysto ciyaaraha.”

Ciyaaryahankan Soomaaliga ah ee u orda Britain ayaa sheegay in tababar adag uu u soo galay inuu heerkan yimaado, uuna qoyskiisa muddo ka maqnaa. Isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay inuu ciyaaraha dunida heerkan ka gaaro.

Mo Farah ayaa dhawaan ka mid ahaa dadkii Soomaaliyeed ee ka horjeeday go’aankii uu gaaray bangiga Barclays ee dalka Britain, kaasoo sheegay inuu joojinayo xiriirka uu la lahaa in ka badan 250 xawaaladood oo lacagaha lagu diro.

Faarax ayaa sheegay in malaayihiin Soomaali ah ay ku nool yihiin lacagaha ay ka helaan qoysaskooda ku nool caalamka oo ay Ingiriisku ka mid yahay, isagoo xusay in haddii Bangigu uu xiro xisaabaadyadan ay keeni karto inay dad badan saameyn ku yeelato.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya