4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2013
Baarlamaanka oo looga yeeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) —Baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga yeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda si wax looga weydiiyo arrimo ku saabsan howlaha xukuumadda, waxaana kulankii ay xildhibaannadu maanta yeesheen looga hadlayay arrimo ay ka mid yihiin la-xisaabtanka xukuumadda iyo wadashaaqeynta kala dhexeysa baarlamaanka.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, isla markaana ah ku simaha guddoomiyaha, Mahad  Cabdalla Cawad sheegay in weli aysan hay’adaha xukuumaddu kasoo jawaabin qoraalka uu u diray guddoomiyaha barlamaanka oo ahaa inay soo gudbiyaan qorsha-howleedkooda wasaaradaha dowladda, waxaana loogu yeeray wasiirradu inay golaha shacabka u soo gudbiyaan howshooda.

Sidoo kale, wuxuu guddoomiyuhu sheegay in ra’iisul wasaaraha dalka inuu codsi baarlamaanka u soo-jeediyay kaasoo ku aaddan in waqti loogu daro xiliga u goluhu hor-imaanayo; iyadoo guddoonka uu xildhibaannadii kulanka soo xaadiray ka dalbaday in illaa 20-ka bisha loogu daro iyagoo aqbalay maadaama ra’ii’sul wasaaraha dibadda ugu maqan yahay howlo shaqo.

Dhanka kale, xildhibaanno ka tirsan baarlamaankayaa mooshin u gudbiyay guddoonka baarlamaanka, taasoo loogu yeerayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, iyadoo loogu baaqay isagana inuu illaa 14-ka bishan uu ku horyimaado si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira ammaanka dalka.

Intii uu socday kulanka baarlamaanka ayaa laga sheegay  in guddiyo ka tirsan baarlamaanka ay howlo badan u qabsoomeen; iyadoo kuwa kalena ay weli ku guda jiraan dhameystirka shaqooyinkii loo diray; sidoo kale xubnaha barlamaanka qaar ay soo jeediyay in la kordhiyo su’aalaha la weydiin doono wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed maadaama ay jiraan arrimo badan oo muhiim u ah ammaanka dalka.

Waa markii labaad oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo xukuumaddiisa looga yeero baarlamaanka si su’aalo looga weydiiyo arrimo la xiriira howlaha xukuumadda, lamana oga sida ay xukuumaddu uga jawaabi doonto arrintan.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya