4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2013
Qorshe la doonayo in wax looga qabto Wadashaqay​nta la'aanta NGO-yada iyo Wasaaradda Qorshaynta oo Laascaanoo​d lagu qabtay

Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlay wada-shaqaynta ururrada wadaniga ah (NGO-yada), kuwa caalamiga ah iyo wasaaradda qorshaynta Somaliland iyo shuruucda u yaalla ayaa lagu qabtay xarunta wasaaraddu ay ku leedahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda qorshaynta ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiinta 20 ururrada wadaniga ah (NGO’s), wakiillo, qaarka mid ah ururrada caalamiga ah, aqoonyahanno iyo maamulka gobolka ayaa lagu gorfeeyay arrimo badan oo la xiriira mashaariicda iyo deeqaha.

Isku-duwaha wasaaradda qorshaynta Somaliland, Sahal bBarre Maxamuud oo hadal dheer jeediyay ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay isbedello ku samaysay qaabka wada-shaqayneed ee wasaaradda iyo ururrada wadaniga ah NGO’s iyo hay’adaha caalamiga ah lagana doonayo inay la jaan-qaadaan.

Sidoo kale, isku-duwuhu wuxuu sheegay in y aad u liitaan gobolka Sool iyo Sanaag mashaariicda la fuliyo, balse ay rajeynayaan inay billaabmaan loona baahan yahay in la habeeyo NGO-yada; inay buuxiyaan shuruucda looga baahan yahay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray in loo baahan yahay in NGO kasta uu lahaado xafiis; astaantiisuna ka muuqato, waxaanu xusay inaanu heli doonin wax mashaariic ah ururkii aan buuxin shuruudaha looga baahan yahay oo ay cashuurtu ugu horreyso.

Ugu dambeyn, danbayntii waxaa halkaas laga soo jeediyay hadallo su’aalo u badanaa kuna wajahnaa mashaariicaha ay bixiyaan ururrada caalamiga ah, Qaramada Midoobay iyo sababaha keenay in gobol ahaan uu inta badan wax ka waayo deeqaha soo gaara maamulka Somaliland ayaa waxaa ka jawaab ka bixiyay isku-duwaha wasaaradda qorshaynta, isagoo sheegay in taasi ay tahay sababta keentay inay isbedel ku sameeyeen habkii wadashaqeyneed ee ka dhexeeya iyaga iyo ururrada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Kulanka noocan oo kale ah ayaan horay uga dhicin magaalada Laascaanood, iyadoo aanay horey u jirin mashaariic badan oo gobolka Sool; hay’aduhuna ka hir-geliyeen sida ay qabaan ururrada wadaniga ah, taasoo loo aanaynayo in ugu wacan tahay kala fogaanta fikirka maamulka Somaliland iyo dadka deegaankaas kala aaminsan yihiin oo kala duwan, inta badan lagu aaneeyo in hay’adaha caalamiga ah aanay imaan Karin, waloow ay degan tahay in ka badan 20-sano hay’adda Norwegian People Aid (NPA).

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool