4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho Ka Sameeyay Howl-gallo ay uga hortagayeen falal wax u dhimaya Amniga


Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Ciidamada si gaar ah u tababaran iyo kuwa booliiska Soomaaliya ayaa maanta howgallo ka sameeyay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo saraakiisha booliiska ay sheegeen in lagu soo qabqabtay dad falal ammaan-darro kawaday Muqdisho.

Howgalladan ayaa waxay sameyn ballaaran ku yeesheen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyadoo isgoysyada muhiimka ah la dhigay ciidammo si gaar ah u tababaran oo gaadiidka u diiray inay maraan, inkastoo shacabku ay si caadi ah u marayeen waddooyinka.

“Waxaa la sameeyay maanta howgallo gaar ah oo lagu soo qabqabtay dad ku howlanaa falal ammaan-darro, sidoo kale howgalladu waxay ahaayeen kuwo looga hortagayay falal argagaxiso oo Muqdisho laga geysto,” ayuu yiri sarkaal ka warbixinayay howgallada, inkastoo uu diiday inuu bixiyo warar intaas ka badan.

Ardayda iyo dadweynaha shaqooyinka u socday ayaa waxay saakay kusoo toosteen iyadoo jidadka muhiimka ah ee Muqdisho ay xiran yihiin, taasoo sababtay in dadka iyo ardayda qaarkood ay dib ugu laabtaan guryahooda.

“Ma garanayno sabab loo xiray waddooyinka, dariiq kasta waa naloo diiday inaan marno… haddii aan ogaan lahaa in xaaladdu ay sidan tahay saakay ma soo shaqo tageen,” ayuu yiri darawal waday mid ka mid ah gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya Muqdisho.

Howgalka maanta ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo Muqdisho laga sameeyo tan iyo markii ay lasoo doortay madaxweynaha Soomaaliya sannadkii hore, waxaana howgalladan lagu raadinayay sida la sheegay dad iyo hub la sheegay in lagu haysto Muqdisho.

Dhanka kale, waxaa la safasaxay maalinta berri ah oo ku beegan 1-da bisha May dhammaan shaqaalaha dowladda Soomaaliya, iyadoo la sheegay inay la dabaal-degaan qoysaskooda, maadaama ay ku beegan tahay maalinta loo asteeyay shaqaalaha dunida.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya