4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2013
Qaybtii ugu Horreysay Ciidammo ka socda Dalka Sierra Leone oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho


Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Saraakiisha howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo dhaweeyay maanta qaybtii ugu horreysay ciidammo ka socda dalka Sierra Leone oo soo gaaray Muqdisho, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay AMISOM.

Ciidamadan oo qaybtooda kale ay soo gaarayso Muqdisho maalmaha soo socda ayaa waxay AMISOM sheegtay in lagu xoojinayo oo ay ka dhinac shaqeynayaan ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa soo dhaaweeyay ciidamadan hordhaca ah eek a socda Sierra Leone, isagoo sheegay in lagu milayo ciidamada AMISOM oo wada qorshe ay horay u ballanqaadeen oo ah inay nabad kusoo celiyaan Soomaaliya, isagoo intaas raaciyay inay qayb xoog leh ka qaadanayaan nabadeynta Koonfurta Soomaaliya.

Dalka Sierra Leone ayaa noqonaya dalkii shanaad oo ciidammo qayb ka ah AMISOM u soo dira gudaha Soomaaliya, iyadoo horay ciidammo u soo direen dalalka, Burundi, Jabuuti, Uganda iyo Kenya, kuwaasoo dagaallo kula jira Al-shabaab oo weli deegaanno badan oo Soomaaliya ku yaalla ka talisa.

“Ciidamada dalalka Afrika ay isku soo dareen ee loosoo diray Soomaaliya waxay muhiimad gaar ah u leedahay howgalka lagu doonayo in lagu sugo ammaanka guud ee Qaradda iyo midka gobolka,” ayuu yiri wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika ayaa sheegay sannadkii hore in ciidammo ka socda dalka Sierra Leone ay ku biiri doonaan AMSIOM, tan iyo xilligaasna ciidamada AMSIOM oo kaashanaya kuwa dowladda ayaa waxay guulo ka gaartay dagaallo ay Al-shabaab iyagoo ka qabsaday deegaanno ay ka talinayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya