4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2013
Qaraxyo khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo mid ka mid ah lala beegsaday Xarunta Dhexe ee Dahabshiil

Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay sagaal kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo kala duwan oo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya; kuwaasoo mid ka mid lala beegsaday xarunta dhexe ee shirkadda Dahabshiil ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Weerarradan oo aysan jirin cid sheegatay ayaa waxaa labada qof ee dhintay ay kala ahaayeen askari iyo qof shacab ah, kaddib markii qarax lagu eegtay gudaha suuqa weyn ee bakaaraha, waxaana isla qaraxaas ku dhaawacmay sideed qof oo kale.

Qaraxa lagu weeraray xarunta shirkadda Dahabshiil ayaa Muqdisho ayaa waxaa ku dhaawacmay hal qof oo ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda, kaas oo ku jiray gudaha xarunta, sida ay sheegeen dad goobjoogayal ah.

“Illinka hore ee shirkadda ayaa waxaa gaaray burbur, shaqadii xarunta saakay waa mid xayiran, waxaana jooga ciidammo booliis ah oo xalay la keenay halkaas si ay ammaanka u ilaaliyaan,” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda oo la hadlay HOL.

Madaxa guud ee shirkadda dahabshiil, C/rashiid Dahabshiil ayaa BBC-da u sheegay inaysan garanayn cid ka dambeysay weerarkaas, balse ay iyagu yihiin shirkad si dhexdhexaadnimo ah ugu adeegta bulshada, muhiimadda koowaadna siisa shirkadaheeda iyo macaamiisheeda.

Weerarka lagu qaaday xarunta dhexe ee Shirkadda Dahabshiil ee Muqdisho ayaa wuxuu kusoo beegmayaa, xilli shabakad taageerta Al-shabaab ay ku daabacday boggeeda in Al-shabaab ay xirtay 10 xarumood oo ay shirkadda Dahabshiil ku leedahay gobollada Bay, Bakool iyo Hiiraan.

Al-shabaab ayaa la sheegay in xarumahan ay ku eedeysay inay xad-gudub ku sameysay sharciga loo dajiyay ganacsiga ayna la shaqeynayeen hay’ado horay looga mamnuucay dalka, kuwaasoo aan la sheegin magacyadooda.

Shirkadda Dahabshiil ayaa ka mid ah shirkadaha xawaaladaha ee dalka ka shaqeeya, waana shirkadda ugu macaamiisha badan marka la eego shirkadaha xawaaladaha ee Soomaaliya ka shaqeeya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya