3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo shaaciyay in sababta uu Garoowe u booqda ay tahay Xasilinta Dalka iyo Hirgelinta Federaalka


Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyagoo halkaas kula kulmay madaxda Puntland oo uu ugu horreeyo C/raxmaan Faroole.

Shir jaraa’id oo ay saxaafadda u qabteen kaddib markii ay kulan ku yeesheen madaxtooyada Puntland ee ku taalla Garoowe ayay ku faahfaahiyeen arrimihii badan oo kulankooda ay kusoo qaadeen iyadoo Faroole uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay qaybteeda ka qaado dhameystirka dhismaha dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa la isugu keeni karo waa nidaamka federaalka oo la hir-geliyo; kaasoo qeexaya waxyaabaha la wadaagayo iyo waxyaabaha gaarka loo kala leeyahay,” ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sidoo kale sheegay inay qayb weyn kasoo qaateen dhameystirka habkii KMG ahayd ee dowladihii Soomaaliya kusoo shaqeyn jireen, haddana ay diyaar u yihiiin inay kaalintooda ka qaatana sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaamka federaalka.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo isaguna shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa marka hore uga mahadceliyay madaxda Puntland sidii loogu soo dhaweeyay Garoowe, isagoo intaas ku daray in Puntland ay u ahayd hormuud dadaalladii looga baxay dowladlihii KMG ahaa.


''Wax badan ayaa ka dhiman hirgelinta habka federaalka, waddaduna waa mid qodxo badan oo dhibaato badan ay taallo, sida keliya ee looga gudbi karana waa iskaashi, kalsooni iyo in isku-samir la muujiyo,'' ayuu yiri Xasan Sheekh oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta nidaamkan oo lagu soo doortay iyaga.

Isagoo ka hadlayay sida ay Soomaaliya ku midoobi karto ayuu yiri: ''Dalkaan waa mid, arrintu ma taagna ma kala go’naa iyo ma kala tagnaa balse, waxay taagan tahay sidee dadkii iyo dalkii aan isugu soo celinaa ayaa loo baahan yahay in lagu fikiro.”

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu Puntland ku tilmaamay mid tusaale u ah dowladda Soomaaliya, maadaama ay ku timid dhalatay go’aan kasoo baxay dadka u dhashay deegaanka oo aanay jirin cid dibadda uga timid.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/28/2013 9:11 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Dhismaha ciidamada iyo hagaajinta daqliga waa mudnaanta koowad ee maamulka cusub ee gobollka Hiiraan oo tan iyo markii uu la wareegay tallada xoogga saaray sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa ciidamada iyo nidaam-ka ama habka cashuur ururinta gobollka oo markii ugu horeysay howlwadeenada ka shaqeynaya lagu soo xushay aqoon iyo amaano.

4/28/2013 8:41 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Boqolaal qoys ayaa ku barakacay magaalada Buuhoodle kaddib markii daad xooggan ay kusoo rogmadeen kuwaasoo kaga yimid deegaannada galbeedka kaga aaddan magaaladaas.

4/28/2013 8:31 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta tallaabo dhiiri-gelin ah u sameeyay 1,000 askari oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka kuwaasoo tabababar ku qaadanaya xerada Jaziira ee duleedka Muqdisho ku taalla.

4/28/2013 8:10 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Hay’adda Camuud Foundation, ayaa maanta Jaamacadda Hargeysa ku wareejisay Buugaag ay ugu tallo gashay inay ardayda jaamacaddaasi wax ka barataa wax ka akhristaan.

4/28/2013 1:10 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Shirweyne toddobaadyadii lasoo dhaafay uga socday golayaasha maamulka Khaatumo degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa soo gabagaboobay; iyadoo ay kasoo bexeen qodobbo dhinacyo kala duwan taabanaya.

4/28/2013 12:44 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa la sheegay inay kaalinta shanaad ka galeen dadka ajnabiga ah ee qaba cudurka halista ah ee HIV/AIDS-ka, iyadoo dadka kasoo jeeda dalka ay kaalinta koowaad ka galeen dadka cudurkan halista ah qaba.

4/28/2013 12:27 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Axad ah ku wajahan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, isagoo la kulmi doona madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.