3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2013
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo bogaadiyay in Ciidamada Dowlada Somalia tababar lagu siiyo dalka Gudihiisa (SAWIRRO)


Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta tallaabo dhiiri-gelin ah u sameeyay 1,000 askari oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka kuwaasoo tabababar ku qaadanaya xerada Jaziira ee duleedka Muqdisho ku taalla.

Mudane Saacid ayaa ciidamada ku tababaranaya xeradaas wuxuu ugu deeqay geel si loogu qalol, isagoo sheegay in tababarka ay ciidamadu ku qaadanayaan dalka gudihiisa ay tahay mid aad u wanaagsan, intii tababar loogu qaadi lahaa dalka dibaddiisa.

“Tani waa tallaabo lagu dhiiir-galinayo ciidamada xoogga dalka ee tababarka ku qaadanaya gudaha dalka, maadaama tababarku uu yahay mid adag oo muddo dheer qaadanaya. Ciidammadan waxaa qaybtooda hore la filayaa in uu tababarku u soo xirmo bisha May ee soo socota,” ayaa lagu yiri war loogu talogalay saxafaadda oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

G/sare Faandhe Jaamac Kaarshe oo ah taliyaha dugsiga tababarka ee Jaziira ayaa ka mahadceliyay taakuleynta gaarka ah ee ka timid ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna xusay in ciidamadu ay u baahnaayeen in inta ay ku jiraan tababarka ay helaan taakuleyn toos ah oo madaxda sare ee Qaranka kaga timaadda.

Ciidamda ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa waxaa tababarka siinaya xubno Soomaali ah oo khibrad dheer u leh tababaridda ciidamada, iyadoo la siinayo casharo ku saabsan habka dagaalka, difaaca iyo wadaniyadda.

Tababarkan ayaa kii ah ugu horreeyay ee noociisaa oo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagu siiyo dalka gudhiiisa tan iyo markii xukunka laga tuurtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991. Waxaana ay ku tilmaaameenn madaxda dowladda horumar laga gaaray dhinaca tayeynta ciidanka xooga.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/28/2013 9:11 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Dhismaha ciidamada iyo hagaajinta daqliga waa mudnaanta koowad ee maamulka cusub ee gobollka Hiiraan oo tan iyo markii uu la wareegay tallada xoogga saaray sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa ciidamada iyo nidaam-ka ama habka cashuur ururinta gobollka oo markii ugu horeysay howlwadeenada ka shaqeynaya lagu soo xushay aqoon iyo amaano.

4/28/2013 8:57 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyagoo halkaas kula kulmay madaxda Puntland oo uu ugu horreeyo C/raxmaan Faroole.

4/28/2013 8:41 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Boqolaal qoys ayaa ku barakacay magaalada Buuhoodle kaddib markii daad xooggan ay kusoo rogmadeen kuwaasoo kaga yimid deegaannada galbeedka kaga aaddan magaaladaas.

4/28/2013 8:10 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Hay’adda Camuud Foundation, ayaa maanta Jaamacadda Hargeysa ku wareejisay Buugaag ay ugu tallo gashay inay ardayda jaamacaddaasi wax ka barataa wax ka akhristaan.

4/28/2013 1:10 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Shirweyne toddobaadyadii lasoo dhaafay uga socday golayaasha maamulka Khaatumo degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa soo gabagaboobay; iyadoo ay kasoo bexeen qodobbo dhinacyo kala duwan taabanaya.

4/28/2013 12:44 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa la sheegay inay kaalinta shanaad ka galeen dadka ajnabiga ah ee qaba cudurka halista ah ee HIV/AIDS-ka, iyadoo dadka kasoo jeeda dalka ay kaalinta koowaad ka galeen dadka cudurkan halista ah qaba.

4/28/2013 12:27 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Axad ah ku wajahan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, isagoo la kulmi doona madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.