4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 26, 2013
Kooxo Bastooladleey oo Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku Toogtay ku-xigeenkii Garyaqaanka Guud ee Dalka

Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Kooxo bastooladley ah ayaa xalay fiidkii ku dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ku-xigeenkii garyaqaanka guud ee dalka, Avv. Axmed Sheekh Nuur Maalin, iyadoo kooxihii dilkaas ka dambeeya la qabtay.

Mas’uulka la dilay ayaa la sheegay inuu kasoo baxay masjid uu ku tukaday salaaddii cishaha, waxaana toogtay saddex qof oo bastoolado ku hubeysnaa xilli uu ku socday gurigiisa oo ku yaalla xaafad ku dhow hoteelka Ramadaan.

Weerarka lagu dliay ku xigeenka garyaqaanka guud ee dalka ayaa waxaa lagu dhaawacay qof kale oo rayid ah, iyadoo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo halkaas ku sugan ay qabteen raggii dilka geystay.

“Marxuumku wuxuu ku dhacay degmada Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose, ayna kawada baxeen jaamacaddii ummadda Soomaaliyeed sannadkii 1980-kii,” ayuu yiri garyayqaanka guud ee dalka, Avv. Xasan Cali Xayle oo ka hadlay taariikhdii marxuumka.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxiyadiin Xasan Jurrus oo isaguna ka hadlay dilka ku xigeenka garyaqaanka guud ee dalka ayaa sheegay inay ka dambeeyeen dilkaas kooxo ka tirsan Al-shabaab, shacigana la horkeeni doono.

Xarakada Al-shabaab ayaan ka hadlin inay dilkaas ka dambeysay iyo in kale, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay, waxaase uu qayb ka noqonayaa dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen xarunta garsoorka dalka bartamihii bishan halkaasoo ay ku dileen dad fara badan oo ay ku jireen garyaqaanno.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in dagaalyahanno taabacsan iyada ay dilal qorsheysan ka geystaan Muqdisho, iyadoo dhawaan warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay 127 ka mid ah ciidamada Nabadsugidda dalka ay ku dileen magaalada Muqdisho afartii bilood ee lasoo dhaafay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya