4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2013
Ergada ka Qeybgaleysa Shirweynaha dib loogu habeynayo Garsoorka Somalia oo loo Qaybiyay Afar Guddi Howleed (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Shirweynaha Qaran ee wadatashiga garsoorka Soomaaliya oo maalintii laabad si toos ah uga socda magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgaleen guddoomiyaha Baarlamanaka, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiyaha maxkamadda sare, Avv. Ceydiid Ilkaxanaf, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo dhammaan rrgada mataleysa dadka Soomaaliyeed ee shirka lagu casuumay.

Ugu horreyn, waxaa khudbad ku saabsan kaalinta Baarlamanka kaga aaddan garsoorka ka jeediyay Prof. Jawaari oo ku tilmaamay shirka muhiimad u leh aayaha garsoorka dalka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkan ay kasoo bixi doonaan qodobbo dhaxal-gal ah oo shacbiga Soomaaliyeed ay ku heli doonaan garsoor ku dhisan cadaalad.

“Waxaa muhiimad gaar ah leh inaan dhammaanteen isla garanno in la helo garsoor madax-bannaan, sharcigana uu yahay saldhigga awoodda dowladda, sidaas darteed waxaan talo kusoo jeedinayaa in lasoo uruuriyo dhammaan shuruucdii waddanka si loo helo keyd sharci oo ay ku cad yihiin qodobbada garsoorka,” ayuu Prof. Jawaari ku yiri khudbaddii uu ka jeediyay shirka.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkmadda sare, Ceydiid Ilkaxanaf oo ka hadlay Kulanka ayaa xusay in garsooraha Soomaaliyeed uu u baahan yahay inuu helo amni iyo dhaqaale ku filan si uu ugu cadaalad falo ummadda.



Wuxuu intaas ku daray in xabsiyada qaarkood ay xilligan ku jiraan dad xiran todobaad, bilooyin iyo sannado; kuwaasoo aan weli la horkeenin maxkmad loona baahan yahay in wax laga qabto.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, C/qaadir Maxamed ayaa xusay in mararka qaar ay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida soo xiraan dad aan dambi lahayn kaddibna ay iyagu xabsiyada kasii daayaan shakhsiyaadkii ay rabaan; iyagoo wax maxkmad ah soo marsiin, sidaas awgeedna ay muhiim tahay in si qoto dheer looga fiirsado awoodda uu yeelanayo garsoorka Soomaaliya.

Guddiyadan loo qaybiyay ergada ka qaybgaleysa shirweynaha ayaa loo kala xil-saaray afar qodob oo muhiim ah kuwaasoo kala ah dhismaha hay’adaha cadaaladda, helitaanka cadaaladda iyo waxa muwaadinka Soomaaliyeed ka hortaagan inuu helo cadaalad, kaalinta ciidamada booliska iyo asluubta kaga aaddan maxaabiista ku jirta xabsiyada iyo xiriirka ay la leeyihiin muwaadiniinta, Jjinsiyadda iyo nidaamka cadaaladda iyo saameynta ay ku leeyihiin naafada iyo caruurta.

Tala soo jeedinta guddiyadan ayaa la filayaa inay soo gudbiyaan maalin kaddib oo lagu ballansan yahay in si saraaxad leh looga doodo.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya