3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2013
Taliyaha AMISOM oo sheegay inay dhameystireen Qorshihii lagu furayay jidka Isku xira Magaalada Muqdisho iyo Baydhabo

Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada AMSIOM, Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo is-garabsanaya ay ku guuleysteen inay furaan waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo oo dhirirkeedu yahay 241-km.

Jen. Gutti wuxuu sheegay in ciidamadooda ay si nabadgalyo ah uga gudbeen jidka isku xira Baydhabo iyo Buur-hakaba kaasoo ah jidka muhiimka ah ee isku xira Muqdisho iyo Baydhabo.

“Waddadan waxay muhiim u tahay isku socodka dadka iyo gaadiidka isaga gooshaya Baydhabo iyo Muqdisho. Sidoo kale waa mid u furan inay maraan hay’adaha ka shaqeeya gargaarka, lana mariyo gargaarka laftiisa,” ayuu yiri Jen. Gutti.

Sidoo kale, Taliyuhu wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay si caadi ah isaga gudbayaan Muqdisho iyo Baydhabo iyo Jowhar iyo Marko, isagoo xusay in taasi ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay dowladda Soomaaliya ayna fuliyeen ciidamada Iskaashanaya ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.

“AMISOM waxay sii wadaysaa la shaqeynta ciidamada dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxaan dowladda Soomaaliya ka tageraynaa sidii ay ammaanka dalka dib ugu soo celin lahayd,” ayuu Jen. Gutti ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo Talaado ah.

Ciidamada fara badan oo ka tirsan kuwa AMISOM oo wata gaadiidka isugu jira taangiyo iyo kuwa gaashaaman ayaa shalay gellinkii dambe illaa xalay gaarayay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kuwaasoo maray dhinaca dhulka.

“Jidkan isku xira Muqdisho iyo Baydhabo wuxuu inoo sahlayaa inaan ka howl-gallno deegaanno badan oo ku yaalla Soomaaliya, si ay dadka shacabka ah howlahooda u qabsadaan iyagoo haysta nabadgalyo iyo xorriyad,” ayuu yiri Jen. Gutti.

Ciidamada AMISOM ayaa tan iyo sannadkii hore waxay howlgallo ay kula dagaalamayaan Al-shabaab ka billaabeen deegaannada ka baxsan Muqdisho, iyagoo ku guuleystay inay qabadaan deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/2/2013 11:03 AM EST
Talaado, 2 April, 2013(HOL) :- Ergadii ka qeybqaadaneysay shirka la doonayo in maamul goboleed loogu dhiso sedexda gobo lee J/hoose J/dhexe iyo Gedo ayaa maanta ansixisay Axdi KMG ah oo ay ku shaqeyn doonto dowlad goboleedka loogu magic daray Jubbaland ee la filayo in loo dhiso gobollada Jubooyinka.

4/2/2013 8:56 AM EST
Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Shirweynaha Qaran ee wadatashiga garsoorka Soomaaliya oo maalintii laabad si toos ah uga socda magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgaleen guddoomiyaha Baarlamanaka, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiyaha maxkamadda sare, Avv. Ceydiid Ilkaxanaf, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo dhammaan rrgada mataleysa dadka Soomaaliyeed ee shirka lagu casuumay.

4/2/2013 8:23 AM EST
Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Ururka Qareenadda Somaliland, ayaa ugu baaqay golaha Wakiiladda inay sameeyaan xeerka mihnadda qareenimo lagu nidaamiyo oo tayo leh si loo helo cadaalad iyo xeer madax banaan oo waafaqsan xeerarka caalamka.

4/2/2013 7:55 AM EST
Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa ku toogtay gudaha degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya lab aka mid ah ciidamada dharka cad ee booliiska Kenya, iyagoo isla weerarkaas dhaawac ugu geystay mid kale.

4/2/2013 6:27 AM EST
Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Maalintii Axadda ahayd ee lasoo dhaafay ayaa waxaa (31 Maarso, 2013), waxaa lagu soo gaba-gaboobay tartankii 13- aad ciyaaraha kubadda cagta ee Indoor Soccer Cup magaalada Columbus ee gobolka Ohio.

4/2/2013 2:19 AM EST
Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Culummaa’uddiinka Ahlusunna Waljamaaca oo ka mid ah maamullada uu xiriirka wanaagsan kala dhexeeyo dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inaan lagu casuumin shirka looga tashanayo dib u habeynta garsoorka dalka.

4/2/2013 1:54 AM EST
Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo aad u fara badan ayaa shalay gallinkii dambe illaa xalay gaarayay magaaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kuwaasoo maray dhinaca dhulka waxayna fariisimo ka sameysteen gudaha iyo duleedyada Baydhabo.