4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2013
Kooxo Hubeysan oo Ciidammo ka tirsan Booliiska dharka cad ee Dalka Kenya ku toogtay Bartamaha Degmada Gaarisa

Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa ku toogtay gudaha degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya lab aka mid ah ciidamada dharka cad ee booliiska Kenya, iyagoo isla weerarkaas dhaawac ugu geystay mid kale.

Goobjoogayaal ku sugan Gaarisa ayaa sheegay in weerarka lagu dilay labada askari uu ka dhacay waddo muhiim ah oo ku dhow suuqa weyn ee degmada oo lagu magacaabo Suuq Mugdi.

“Askarta waxaa lagu dilay bastoolado, waxaana dilkooda geystay kooxo aan la garanayn, goobta oo dhan waxaa soo buuxiyay ciidammo ka tirsan kuwa Kenya,” ayuu yiri goobjooge ku sugan Gaarisa.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadan la toogtay ay ku jireen howl baaritaan ah, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilka loo geystya ciidamadan.

Dowladda Kenya ayaan ka hadlin dilka ka dhacay maanta degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, iyadoo degmadaas ay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ka dhacayeen dilal lagu bartilmaameedsanayo ciidamada Kenya.

Toogashadan ciidamadan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo ka dhacda gobolka Waqooyi-bari tan iyo markii xilka madaxweynimo ee dalkaas loo doortay madaxweynaha cusub ee Kenya, Uhuru Kenyatta oo dawacad dhinaca bani’aadamnimada ah ay kaga furan tahay maxkamadda dambiyada ee ICC.

Askariga dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa isbitaal weyn ee Gaarisa, iyadoo la sheegay in dhaawaca gaaray uu yahay mid halis ah, waxaana ka baxsaday goobta kooxihii geystay weerarkan khasaaraha sababay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya