4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2013
Soomaaliya oo Danjire u Magacowday dalka Britain, ka hor inta aan la qaban shirka looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya

Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta u magacowday dalka Britain danjire cusub, kaasoo loo magacabay, C/llaahi Maxamed Cali (Sanbololshe), waxaana magacaabistiisa lagu ansixyay kulan ay golaha wasiirradu maanta yeesheen.

Danjirahan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee ay Soomaaliya u magacowdo dalka Britain tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya muddo laabtan sano ka badan laga joogo.

“Maadaama lagu wado in bisha May ee sannadkan lagu qabto London shir looga hadlayo arrimaha Soomaliya, waxaa lagama maarmaan noqotay in la magacaabo safiirka Soomaaliya ee Britain,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wafaafinta, Ibraahim Isaaq Yaroow.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in danjiraha sababaha loo magacabay ay ka mid tahay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Britain, iyadoo dowladda Britain ay horay u sheegtay inay daneynayso sidii ay u xoojin lahayd xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.

Xukuumadda Britain ayaa horay safiir ugu soo magacowday Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu siiyay dhul ay ka dhisato safaarad, waxaana Britain ay sheegtay inay ciidammo gaar ah oo ilaaliya safaaraddeeda u soo diri doonto Muqdisho.

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh waxaas oo kordhayay dalalka daneynaya inay safaarado ku yeeshaan Soomaaliya, waxaana maalin ka hor Muqdisho yimid danjireyaasha Soomaaliya u fariisan doona dalalka Sweden iyo Holland, kuwaasoo warqadahooda aqoonsiga ku wareejiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliiya