4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2013
Ardeyda Dugsiyada Sare ee Boosaaso oo loo qabtay Aqoon-isweydaarsi looga hadlayay dhibka Qabyaaladda (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Masjidka Al-rowda ee magaalada Boosaaso waxaa saaka aqoon isweydaarsi  ku aadan “kaalinta ay dhalinyaradu ka qaadan karaan ciribtirka qabyaaladda”  loogu qabtay ardeyda wax ka barata dugsiyada sare ee magaalada Boosaaso.

Aqoon isweydaarsigan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee magaalada Boosaaso laga sameeyo, waxaa soo qaban qaabiyey muassasada Al-minhaaj oo kaashaneysa culimaa’uddiinka waaweyn ee Puntland, gaar ahaan kuwa gobolka Bari.

Guddoomiye ku-xigeenka jaamacadda bariga Afrika, sheekh Maxamed Macallin oo isagu si rasmi ah aqoon isweydaarsigan u furay ayaa sheegay in barnaamijyada noocan oo kale ahi ay yihiin kuwo muhiimad weyn leh, sidaas darteedna loo baahan yahay in lasii wado.

Wadamada ay qabyaaladdu ku xooggan tahay ayuu sheekhu tilmaamay in ay si aad ah uga danbeeyaan dunida, isagoo intaas raaciyey in miraha keliya ee qabyaaladda laga dhaxlaa ay yihiin burbur , kala danbeyn la’aan iyo qaran dumis.

Sheekh Xasan Xuseen oo  kamid ah culimada waaweyn ee dalka ayaa isna dhankiisa si aad ah u booriyey dhalinyarada, wuxuuna sheegay in dhalinyaradu ay yihiin kuwa bulshooyinka u horseeda horumarka ama dib u dhaca, maadaama ay leeyihiin awood badan.

Firfircoonidooda iyo aqoontooda iyaga oo kaashana ayuu sheekhu kula dardaarmay in ay dadaal badan ku bixiyaan sidii ay Soomaaliya u marsiin lahaayeen jid ka duwan dhabihii qabyaaladda ku saleysnaa ee ay horay awooweyaashii hore u jeexeen.

Beeldaaje Cali Faarax oo ugu danbeyntii hadalka qaatay ayaa isna dhankiisa tilmaamay kaalinta ay hogaamiyeyaasha qabaa’ilka iyo nabadoonadu ka qaadan karaan ciribtirka qabyaaladda, isagoo xusay in qabyaaladdu ay tahay sun halis ah oo ay adag tahay in si fudud lagu suuliyo.

Beeldaajuhu wuxuu ugu baaqay hoggaanka qabaa’ilku in ay isku howlaan sidii ay u hor istaagi lahaayeen in qabaailkoodu ay kuwa kale dulmiyaan iyaga oo hab qabyaaladeed u maraya, go’aanka ay arintaas ka qaataan ayuu sheegay in mustaqbalka uu noqon doono mid waxtar leh.

Ardeyda oo iyaguna hadalada culimada iyo isimada kaddib kaalintooda qaatay, ayaa ka dooday habka ugu fudud ee ay dhalinyaradu gacan uga geysan karaan ciribtirka qabyaaladda iyo waxyaabaha si taas looga dhabeeyo ay lagama maarmaanka tahay in la sameeyo.

Aqoon-isweydaarsigan ayaa qayb ka ah barnaamijyo xiriir ah oo bulshada lagaga wacyi gelinayo qabyaaladda, kuwaasoo muddo todobaad ah ka socon doona magaalada Boosaaso, islamarkaana ay soo qaban qaabisay mu’assasada Al-minhaaj.






Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya