3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 13, 2013
Kulan dhexmaraya Madaxweynayaasha Somalia iyo Somaliland oo Maanta ka furmaya Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga

Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Shirkii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta ka furmaya magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, iyadoo Somaliland ay sheegtay inaysan gor-gortan ka galayn madax-bannaanideeda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar oo la halday BBC-da isagoo ku sugan Ankara ayaa sheegay in shirka uu noqon doono mid ay labada madaxweynuhu isku dhaafsadaan fikrado ayna kasoo saaraan go’aanno mideysan oo ay dani ugu jirto Somailland, Soomaaliya iyo guud ahaan bariga Afrika.

“Mowqifka Somaliland waa cad yahay waana inaysan gorgortan ka galayn xoriyadda iyo madaxbannaanida Somaliland oo shacabkeedu go’aansaday, mana dhacayso inaan shirkan iyo mid kale gorgortan uga galno arrintaas,” ayuu yiri wasiir didbadeedka Somaliland.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in dowladda Turkiga ay shirkan ka tahay fududeeye oo keliya, balse aysan ka ahayn dhexdhexaadiye; waxa wadahadlayana ay yihiin Soomaaliya iyo Somaliland.

Magaalada Ankara ayaa waxaa kuwada sugan madaxweynayaasha Somalia iyo Somaliland iyo wasiirro la socda, waxaana lagu wadaa in kulanka maanta u furmaya uu caawa lasoo gabgabeeyo lagana soo saaro qodobbo ay labada dhinac isku afgarteen.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Somailland oo wax laga weydiiyay ka qaybgalkooda shirka magaaalada London lagu qabanayo bisha soo socota ee May ayaa sheegay inaysan ka qaybgalayn, maadaama uusan ahayn mid quseeya Somaliland.

“Shirkaas waxaan u aragnaa inuu yahay mid dhaqaale loogu raadinayo Soomaaliya, marka ma doonayno inaan ka qaybgalo,” ayuu yiri Cumar oo sheegay inay diyaar u yihiin dhankooda inay ka qaybgalaan shir walba oo looga hadlayo maslaxada Soomaaliya iyo Somaliland.

Maamulka Somaliland oo aan weli aqoonsi helin ayaa wuxuu 20-sano ka hor ku dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, iyadoo madaxdii soo maray Soomaaliya ay hadalkaas ku tilmaameen mid aan suurogal ahayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/13/2013 8:19 PM EST
Waxaa manta kulan ay soo qabanqaabisay dowladda Turkiga dhex-maray madaxweynayaasha Somalia iyo Somaliland magaalada Ankara

4/13/2013 1:06 PM EST
Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay idaacadda VOA-da markii lasoo gabgabeeyay shirkii uu la yeeshay madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha Somaliland aysan shirka aysan uga hadlin oo keliya siyaasad, balse ay uga hadleen waxyaabo ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed.

4/13/2013 12:34 PM EST
Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa heshiis iskaashi ku kala saxiixday magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, kaddib wadahadallo saacado qaatay oo ay maanta ku yeesheen halkaas.

4/13/2013 10:59 AM EST
Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Waxaa maanta ka dhacay degmada Ufuroow ee gobolka Bay dagaal socdey dhowr saacadood ah kaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab, iyadoo degmadan ay dhawaanahan ahayd mid dagaalkeeda uu soo noq noqanayey oo kolba qolo ay qabsanaysay.

4/13/2013 9:43 AM EST
Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Saddex cunug oo walaalo ah ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay cudur aan la garaneyn ugu geeriyoodey degmada Eyl ee gobolka Nugaal. Carruurtan oo muddo saacado ah kala danbeeyay waxay midka u weyn da'diisu ahayd shan sano.

4/13/2013 8:29 AM EST
Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza waxayna kawada hadleen arrimaha iskaashiga labada dal, gaar ahaana amniga, dhaqaalaha iyo horumarka.

4/13/2013 7:43 AM EST
Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Kulan ay dhexdhexaadiye ka tahay dowladda Turkiga oo u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Max’uud iyo madaxweynaha Somailland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka furmay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.

4/13/2013 7:27 AM EST
Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo, saraakiisha ciidamada maamulka gobollka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb-gallay tababar loo soo xirray boqolaal askari oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka kuwaasoo mudo sadax bilood ah tababar uga socday magaalada Baladweyne.

4/13/2013 12:59 AM EST
Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Xukuumadda Jabtuui ay sii daysay 14 ka mid ah xubnaha mucaaradka ah ee ka tirsan xisbiga USN, kuwaasoo la xiray markii lala xiriiriyay inay ku lug lahaayeen dibadbaxyo loogas oo horjeedo xukuumadda oo bishii hore ka dhacay dalka Jabuuti.

4/13/2013 12:58 AM EST
Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Hay’adda lacagta Adduunka ee [IMF] ayaa u aqoonatay Soomaaliya xubin ka mid ah kaddib sannado badan oo ay ka maqnayd, balse ha’yaddu waxay sheegtay inaysan Soomaaliya siinayn wax dhaqaale ah tan iyo inta ay ka bixinayso damo fara badan oo lagu leeyahay.