4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2013
Booliska Garoowe oo qabtay qaar ka mid ah dadkii dhacay xarunta xawaalada KAAH xarunteeda Magaalada Boosaaso

Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Ciidamada booliska ee degmada Garoowe ayaa gelinkii danbe ee shalay gacanta ku dhigay labo nin oo ka tirsanaa koox dabley ah oo asbuucii lasoo dhaafay fal-danbiyeed dhac iyo dil isugu jira ka geystey xarunta xawaaladda KAAH ee magaalada Boosaaso.

Labada nin ee la qabtay oo ay maalmihii u danbeeyey boolisku ku raad joogeen, kadib markii ay ka war heleen in ay dhinaca Garoowe usoo baxsadeen, ayaa lagu kala magacaabaa Barre Maxamuud Cali Xuseen iyo Mahad Cumar Bulxan.

Jimcihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Boosaaso lagu soo bandhigay nin da’diisa lagu sheegay 60-jir laguna magacaabo Farxaan Dad-laq, kaasoo la tilmaamay inuu ahaa madaxa kooxdii dhacday xawaaladda KAAH.

Farxaan Dad-laq iyo kooxdii uu watey ayey boolisku shaaciyeen in ay dhaceen adduun lacageed oo gaaraya $20,000, islamarkaana ay dileen 2 kamid ahaa shaqaalaha shirkadda, labo kalena ay dhaawaceen.

Inkasta oo ay ujeedada weerarka warar badan oo is khilaafsani kasoo baxayaan, waxaana hadana jira warar sheegaya in uu ahaa mid salka ku haya anooyin qabiil.

Weerarka loo geystay xarunta shirkadda xawilaadda lacagaha ee KAAH ayaa ahaa mid si weyn looga argagaxay, waxaana qabashada raggii weerarkaas ku lug lahaa si aad ah usoo dhoweeyey guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya