3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo si rasmi ah u furay shirweyne looga tashanayo dib u habeynta Garsoorka Dalka


Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay goor-dhaweyd shirweynaha dib u habeynta garsoorka dalka oo socon doona muddo shan maalmood ah, kaasoo looga hadlayo sida ugu habboon ee garsoorka loogu kalsoonaan karo.

Xasan Sheekh ayaa khudbad uu meesha ka jeediyay wuxuu sheegay in ujeeddada shirkan loo qabanayo ay tahay in la helo fikrado ku saabsan sidii garsoorka dalka uu u noqon lahaa mid dadka Soomaaliyeed oo ah kalsooni buuxda ku qabaan.

“Waxaan doonaynaa in shirkan ay kasoo baxaan qodobbo sababi kara in garsoorka dalka lagu kalsoonaado, waayo garsoorka waa halka uu aadi lahaa qofka cabashada qaba, waxaana loo baahan yahay inuu noqdo mid kalsooni buuxda lagu qabi karo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhaqaalaha shirka ku baxaya uu yahay mid ay bixinayso dowladda Soomaaliya oo aan meel kale ka imaan isagoo sheegay xusay in ujeeddaduna ay tahay inay kasoo baxaan shirkan wax ay Soomaalidu leedahay.

“Haddii aan innagu wax qabsanno ayaa caalamka dhihi karnaa waxaas ayaa naga dhiman ee ha naloogu daro, balse marka hore waa inaan innagu isku tashanno,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa ku sheegay in ergada ka qayb-galaya kulanka ay oo tiradoodu tahay 150 looga baahan yahay inay soo saaraan qodobbo muhiim ah oo ah qaabka ugu habboon ee wax looga bedeli karo garsoorka.

“Dowladihii dalka soo maray garsoorkoodu wuxuu ahaa mid aan fadhin, balse innagu waxaan doonaynaa in garsoorkeenna aan sal u yeelno, kana dhigno mid ay shacabka Soomaaliyeed oo dhan ku qanacsan yihiin,” ayuu ku yiri madaxweynuhu khudbaddiisa.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in shirarka noocan oo kale ah sii socon doonaan si jilbaha loogu dhigo howlaha xukuumadda, garsoorkuna uu u noqdo mid dadka oo dhan ay ku qanacsan yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/1/2013 2:36 PM EST
Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhulkii ay dowladdu lahayd wixii ka horreeyay 1991-kii ay weli yihiin dhul ay dowladdu leedahay, isagoo sheegay in markii ay dowladdu u baahato aysan cidna u dhaafay.

4/1/2013 2:06 PM EST
Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dowladda Turkigu ay qabanayso shir lagu sii ambaqadayo wadahadaladdii horay ugu billowday dowladda Soomaaliya iyo Somaliland kuwaasoo muddo ku jiray hakad.

4/1/2013 11:50 AM EST
Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Wafdi ka socda dalka Finland ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, iyagoo la kulmay mas’uuliyiinta dowladda oo uu ka mid yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxanaa kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada looga hadlay intiisa badan iskaashiga iyo xiriirka u dhexeeya Somaaliya iyo Finland.

4/1/2013 9:58 AM EST
Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Wararka laga hellayo degmada Buula-burte ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dab xoogan khasaare hantiyeed geystay oo uu qabsaday goobo ganacsi oo ku yaala degmada.

4/1/2013 9:37 AM EST
Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Sarkaal ka tirsan ciidamada Uganda ee ka midka ah AMISOM ayaa sheegay inay gobolka Shabeellada Hoose ku dileen sarkaal sare oo ka tiranaa Xarakada Al-shabaab, kaasoo la socda gaadiid ay leedahay Al-shabaab oo marayay deegaanno ka tirsan Shabeellada Hoose.

4/1/2013 9:25 AM EST
Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Maxkamadda sare ee ciidamadda Milatariga Somaliland, ayaa xukunno kala duwan ku xukuntay koox dabley ahayd oo sanadkii hore soo weeraray xero ciidanku leeyahay.

4/1/2013 9:22 AM EST
Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Deeq lacageed ayaa lasoo gaarsiiyay qoys dan-yar ah oo gurigii ay galayeen ama deggenaayeen uu kaga gubtay magaalada Boorama ee gobolka Awdal, iyadoo qoyskaas ay kaalmo deg-deg ah weydiistay walaalahooda Soomaaliyeed.

4/1/2013 9:17 AM EST
Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u yeeray wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka si wax looga weydiiyo maydad lasoo dhigay waddooyinka Muqdisho, kuwaasoo la sheegay in laga baxay xabsiyo ku yaalla Muqdisho lana toogtay.

4/1/2013 9:10 AM EST
Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) —Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho kaddib socdaal laba maalmood qaatay oo uu ku tagay gobolka Gedo ayaa wuxuu soo saaray wareegto uu ku magacaabay maamul KMG ah oo uu yeesho gobolka Gedo.

4/1/2013 5:58 AM EST
Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Nin lagu magacaabo Cabdulaahi Cabdulqaadir Warsame oo muddo 19 maalmood ah afduub loogu haystey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa shalay dib xoriyadiisa u helay.

4/1/2013 5:55 AM EST
Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Ciidamada booliska ee degmada Garoowe ayaa gelinkii danbe ee shalay gacanta ku dhigay labo nin oo ka tirsanaa koox dabley ah oo asbuucii lasoo dhaafay fal-danbiyeed dhac iyo dil isugu jira ka geystey xarunta xawaaladda KAAH ee magaalada Boosaaso.

4/1/2013 2:15 AM EST
Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Shirweyne qabashadiisa uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud bishii Feberaayo ee sannadkan oo looga tashanayo sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa garsoorka dalka ayaa manta ka furmaya Muqdisho.