4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2013
Shirkii Wada-tashiga Higsiga cusub (New Deal) oo lagu Ansixiyay Qorshaha lala Hortagayo Shirka Brussels (SAWIRRO)


Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Shirkii looga hadlayay higsiga cusub ama New Deal ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho kaasoo muddo saddex maalmood ah socday, waxaana soo xiray wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya, Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim.

Xubnaha ka qayb-galay shirkan ayaa maanta ansaxiyay qorshaha dowladda Soomaaliya ay la hor tegeyso shirka ka dhici doona bishan xarunta dalka Belgium ee Brussels, kaddib markii ay talooyin muhiim ah qorshahaas ku biiriyeen.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb-galay laamaha dowladda, xubno ka socday gobollada dalka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana qorshuhu ahaa in dadweynuhu ay aragtidooda ku biiriyaan barnaamijka xukuumadda ee ku aaddan qorshaha lala hor-tagayo shirka 16-ka bishan ka dhici doona magaalada Brusselska, kaasoo beesha caalamka iyo Soomaaliya ay ku geli doonaan heshiis rasmi ah.

“Barnaamijka higsiga cusub waxaan soo wadnay dhawrkii bilood ee aanu soo dhaafnay, waana meesha uu dalkan iska bedelayo, waxaana fikirkaan ka dhashay wada-tashigii dhex-maray dowladda Somalia iyo dadweynaheeda. Kulamadii aan la yeelanay  bulshada waxaa kasoo baxay natiijo yididdiilo leh oo astaan u ah  soo-kabashada dalkeena. Waan ka mahad ka celineynaa dukumiintiga aad ansixiseen, dowladduna way tixgelinaysaa taladiina, runtii marag ayaad ka ahaan doontaan meesha lagu bixiyo dhaqaalaha ay beesha caalamku siiso Soomaaliya kaasoo si xaq ah loo qaybin doono,” ayuu  yiri Abuukar Sheekh Cabdi.

Barnaamijka Higsiga Cusub ayaa dhaqaale toos ah lagu siin doona Soomaaliya, si dhinacyada mudnaanta kowaad u leh  loogu aadiyo deeqaha laga helo beesha caalamka, iyadoo ujeeddadu tahay in kor loo qaado waxa lagu qabanayo deeqaha lagu caawiyo Soomaaliya.

Shirarkan oo muddooyinkii u dambeeyey ka socday qaar gobollada dalka ka mid ah ayaa lagula tashanayay bulshada qaybaheeda kala duwan, si ay ugu biiriyaan fikirkooda qodobbada xukuumadda Soomaaliya la tagayso shirka ka dhici doono Brussels.

Gabagabadii kulankan ayaa ka qayb-galayaasha shirku waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen qodobbadii ay ka doodayeen seddexdii maalmood ee ugu dambaysay. 




 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya