4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 3 , 2013
Wada-tashiga Barnaamijka Higsiga Cusub “New Deal” oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia (SAWIRRO)


Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta ee Soomaaliya Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim, ayaa maanta Muqdisho ka furay shirkii wada-tashiga barnaamijka Hiigsiga Cusub “ New Deal” oo socon doona saddex maalmood. Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka kala socda laamaha dowladda, xildhibaanno iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Wasiir ku-xigeenka maaliyadda iyo qorshaynta qaranka ayaa ka warbixiyay hawlaha barnaamijka Hiigsiga Cusub, isagoo sheegay in shirar wada-tashi ah horey looga qabtay magaalooyin ay ka mid yihiin: Muqdisho, Gaalkacayo, Baydhabo iyo Garoowe.

“Ujeedada barnaamijkan waxa weeye in la helo talo mideysan oo dalka lagu dhisayo. Hiigsiga Cusub, waxaa horey u adeegsaday dalal badan, innaguna taas baan daba taagannahay waxaan rajaynayaa inaan dhibaatadda kaga baxno,” ayuu yiri Abuukar Sheekh.

Barnaamijka Hiigsiga Cusub oo ah aragti qaran oo midaysan ayaa xoogga saaraya dhinacyada ay ka mid yihiin siyaasadda, nabadgelyada, caddaaladda, dhaqaalaha, ururinta canshuuraha iyo adeegga bulshada.

Xubno ka socday ururrada bulshada rayidka ah oo ka hadlay furitaanka shirkan ayaa soo dhaweeyay barnaamijkan, waxayna tilmaameen in barnaamijkani uu wax badan ka tarayo marxaladda uu xilligan dalka Soomaaliya marayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa barnaamijka Hiigsiga Cusub diyaarinaysay in muddo ah; si qorshe midaysan oo ay bulshadu ku leedahay talooyin loo geeyo shirka 16-ka Sabteembar ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Barnaamijka Hiigsiga Cusub ayaa ah in dalalka nugul ee dagaallada kasoo baxaya lagu siiyo dhaqaale toos ah, waxayna dowladda Soomaaliya yeelanaysaa soo jeedinta qorshaha lagu taageerayo iyo fulintiisa. Hiigsiga Cusub ayaa markii ugu horreysay lagu go’aamiyay shir lagu qabtay magaalada Busan ee dalka Koonfur Kuuriya dhammaadkii 2011-kii, waxaana ujeeddadu ahayd in kor loo qaado wax-tarka kaalmada la siiyo dalalka nugul.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya