10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 21, 2013
Al-shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar lagu qaaday Maanta xarun Ganacsi oo ku Taalla Bartamaha Magaalada Nairobi


Sabti, September 21, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia ayaan goor-dhow sheegatay inay ka dambeyso weerar maanta lagu qaaday xarunta ganacsi oo ku taalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo halkaas ay ku dhinteen 22-qof, in ka badan 50-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Al-shabaab ayaa ku sheegtay bar ay ku leedahay Twitter-ka in xoogag ka mid ah kuweeda ay fuliyeen weerarkaas, iyadoo sheegtay in goobtaas ay u beegsadeen inay tahay goob dhaqaale badan uu kasoo galo Kenya.

“Mujaahidiintu maanta waxay galeen xarunta ganacsi ee WESTGATE oo ku taalla bartamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya,” ayaa lagu yiri warka Al-shabaab ay soo saartay maanta.

Sidoo kale, Al-shabaab waxay qoraalkooda ku sheegeen in weerarka uu ahaa mid ay kaga jawaabayeen duulaan ay sheegeen inay Kenya kusoo qaadday gobollada Koonfureed ee Soomaalida ee Jubbada Hoose iyo Gedo.

“Kenya waxaan kula dagaalamaynaa gudaha dalkeeda, waxaana xaruntaas aan ku dilnay in ka badan 100-qof oo Kenyan ah,” ayay Al-shabaab ku tiri warkeeda ay soo dhigtay barta Twitter-ka.

Al-shabaab ayaa waxay sheegtay in weerarkan uu yahay kii ugu xoogganaa ee ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya, iyagoo sheegay in tani ay guul weyn u tahay mujaahidiinta Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa weli goobta ku sugan ciidamada Kenya oo wata gaadiid kala duwan oo ay ku jiraan kuwa dagaalka iyo diyaarado, inkastoo ay weli ku jiraan kooxihii weeraray gudaha xarunta ganacsi ee WESTGATE halkaasoo ah goob aad loogu ganacsado.

Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan hal meel la isugu geeyay, dadka intooda badanna laga soo saaray goobta, lamana oga weli tirada kooxaha weerarkan qaaday, inkastoo warar hore oo soo baxay ay sheegeen inay gaarayaan 10-ruux oo aad u hubeysan.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa waxaa ku sugan saraakiisha ciidamada kala duwan ee Kenya iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Kenya, welise kama aysan hadlin xukuumadda Kenya cidda weerarka soo qaadday, marka laga reebo sheegashada Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay weerarro la beegsan doonto dalka Kenya, kuwaasoo jawaab u ah soo gelintaankii ciidamada Kenya ay dalka Soomaaliya soo galeen sannadkii 2011, markaasoo ay sheegeen inay dagaal la galayaan xoogagga Al-shabaab oo amni-darro ka wadda gudaha dalkeeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya